Sheikh Shariif: Al-Shabaab Xaaraan ayay ku dhasheen, Diintana waa ka been sheegeen.

Halkaan ka akhri

Sheikh Shariif Sheikh Axmad, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn afka ugu weeraray Xarakada Al Shabaab  oo uu sheegay inaysan xalaal ku dhalan, diinta islaamkana ka been sheegeen.

Hal maalin ka  dib Markii Al-shabaab xasuuq u geysteen dadweyne ku sugnaa Maqaaxi laga qaxweeyo oo ku tiillay meel aan ka fogeyn Hotel Muna, ayuu madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay degmada H/wadaag wuxuu si aan hore loo arag, u tuuryeeyay Al Shabaab oo uu sheegay inay ku dhasheen qaab xaaraan ah.

Isagoo sii hadlaya ayuu xusay in kooxdaasi, lagu soo dhisay lacag laga soo dhacay dadweyne Soomaaliyeed oo reer Hargeysa ah taas oo uu xusay in laga fara morooqsaday shirkad ku taallo buu yiri Magaaladda Hargeysa.

Wuxuu sheegay in ururkaasi lagu aas-aasay hantidaas xaaraanta ahayd ee lasoo dhacay, sidaas darteed ay yihiin kuwa xaaraan ku soo hana qaaday ayuu sheegay. “Al Shabaab maaha kuwo ku dhashay si xalaal ah, Ahlu Diin Maaha cid walba ayaa saas u og, waxaa lagu aas-aasay lacag laga soo dhacay shirkad ku taalla Magaaladda Hargeysa” ayuu yiri Sheikh Shariif oo hadalkiisa sii raaciyay, “Shacabka Soomaaliyeed way u ogyihiin in Al Shabaab aysan ahayn kuwo Ahlu Diin ah, Diinta ayay ka been sheegeen waxaana waaye kuwo dambiilayaal ah, oo loo-baahan yahay in dalkeenna aan ka ceshanno” 

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii ku goodiyay in dowladda uu madaxda ka yahay iyo shacabka Soomaaliyeed ay la-dagaalami doonaan kooxda Shabaab, oo uu ku tilmaamay koox naxariis daran oo markasta shacabka xasuuq ku haya, isla markaana aysan jirin cid ay nolol u ogol yihiin.

Sheikh Shariif oo ay wehliyeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Duqa magaalada Muqdisho, gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo Saraakiil Ciidammada ah ayaa ka hadlayay munaasabad dowladda lagula wareejinayay, dhismayaasha Qaranka ee ku yaala degmada Howl-wadaag, kuwaasi oo 21 sano ay si sharci darro ah ku deganaayeen dadweyne helooday, burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii la riday ka dib.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: