Ayman Zawahiri oo shaaciyey in Al-Shabaab si toos ah uga mid noqdeen ururka Al-Qaacida

HOOS KA AQRI WARBIXIN

Halkaan ka akhri

Hogaamiyaha cusub ee ururka Alqaacida Ayman Zawahiri ayaa shaaciyey, in wixii haatan ka dambeeya, aysan jirin wax farqi ah oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo alqaacida oo ay isku wada yihiin Al-Qaacida.

Al-Zawahiri oo cajal maqal iyo muuqaal ah oo uu dhowaan soo diray lagu faafiyey bog ay internet-ka ku leeyihiin ayaa sheegay in Al-Qaacida iyo Al-Shabaab ay dhowaan si rasmiya u kala saxiixdeen heshiis, kaas oo uu xusay in ay ku wada heshiiyeen inay isku yihiin hal urur oo ah Al-Qaacida.

HADABA SIDEE U DHACAY HESHIISKA AL-QAACIDA IYO AL-SHABAAB WADA SAXIIXDEEN.

Cajaladda video-ga ah ee uu kasoo muuqday hogaamiyaha Al
Qacida ayuu sidoo kalana uu qeyb ka ahaa cod ku dhex jiray cajalkaasi oo maqal ah, kaas oo uu duubay  Axmad Cabdi Godane oo Al-Shabaab ugu yeeraan (Mukhtaar Abu Zubeyr), isagoo hadalkiisa maqalka ahaa ku sheegay in Al-Shabaab ay si niyad ah oo sareysa ula dhacsan yihiin Hogaamiyaha cusub ee Alqaacida iyo horjoogenimadiisa ururka.

Dhinaca Kale Alzawaahiri oo Dhaxlay seedigiis Bin Ladin ayaa yiri “Maanta waxaan ugu bishaareynayaa dhamaan umada
Muslimiinta ah in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ku
biirtay Dhaq dhaqaaqa ururka Al Qaacida” wuxuuna amaanay shaqada ay ka hayaan dalka Soomaaliya ee ay kula dagaallamayaan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Madaxda Al Shabaab ayaa sanadki 2009 waxay sii daayeen cajalad muuqaal aheyd  oo ay ku taageereen hogaamiyihii hore ee Al-Qacida Bin-Ladin oo ay cinwaan uga dhigeen “LABEYKA YAA SHEIKH CUSAAMA” isla sanadkaasi waxaa cajalad fiidiyo ah soo duubay Osama oo dagaalka Soomaaliya ku dhiiri geliyey Al Shabaab isla markaana ku booriyey in ay ridaan dowlada uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif.

Laakin fariintan cusub ee Al- Zawahri ayaa ah marki ugu horeysay oo ay si dhab ah ugu qirtaan in Al Shabaab ay isku biiraan Alqaacida, waxana tani ay meesha ka saareysaa in la kala qaado Al Qacida iyo Al shabaab oo laba urur kala ahaan jiray, markii hore waxaana meesha ka baxaya, in Al-Shabaab ay gacan saar la leeyihiin Al-Qaacida, taasi bedelkeedana waxay u xuub-siibteen Alqaacida toos ah.

MUXUU SOO KORDHIN KARAA HESHIISKANI.

Hada waxa cadaan ah inay jireen xirir horay uga dhaxeyay labadan urur, waxayna tani noqonaysaa mid xoogaa dhiiri gelinaysa Al-Shabaab, maalmaha yar ee u sii harsan, waxaa kale oo ay fursad u tahay madaxda sare ee Al-Shabaab oo haddii ay ka baxsadaan dalka Soomaaliya ay u furan tahay in ay si toos ah u beegsadaan meesha ugu dhow ee Al-Qaacida joogto, taas oo laga soo dhaweyn doono.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: