Xoghayaha arrimaha dibedda ee dowladda Ingariiska oo sheegay in la gaaray waqtigii Soomaaliya dhibaatada laga saari lahaa

Halkaan ka akhri

Xoghayaha arrimaha dibedda ee dowladda Ingariiska William Hague ayaa sheegay in la gaaray xilligii Soomaaliya laga saari lahaa dhibaatada, iyadoo dhanka kale rajo wanagasan ka muujisay shirka magaalada London ee arrimaha Soomaaliya lagu gor feeenayo.

Xarunta Chat an House ee magaalada London ee dalka Ingariiska ayaa shalay ka dhacay Kulan ballaaran oo lagu casuumay dad laga soo dhax xulay Soomaalida ku nol dalka Britain, waxaana shirkaas looga dooddayay xaaladda Soomaaliya iyo shirka London wax uu ka badeli doono  Soomaaliya, shirkaas oo ka soo qeyb galay Xoghayaha arrimaha dibedda ee dowladda Ingariiska  William Hague   .

Sidoo kale inta uu socday kulanka shikaas ayaa waxaa su’aallo ku aadan doorka Ingariiska ee Soomaaliya laga weydiiyay William Hague   , wuxuuna uga jawaabey in ay dowladdiisa u soo jeesatay sidii wax qabad dhab ah ugu sameyn lahayd Soomaaliya.

Dhanka kale William Hague   ayaa sheegay in shirka 23-ka bishan ka dhacaya caasimadda Ingariiska in uu yahay mid salka loogu dhigayo xasiloonida Soomaaliya, harumarna lagu gaarsiinayo Siyaasadda, Dhaqaallaha, dib u dhiska ciidammada iyo Nidaamka Dimuqoraadiga ee Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Xoghayaha arrimaha dibedda ee dowladda Ingariiska wuxuu sheegay in shirka London uu yahay mid guul ku soo gabagaboobi doonaa maadaama fursad loo helay in hoggamiyaasha caalamka ay xaaladda Soomaaliya go’aan wanaagsan ka qaataan isla markaana Soomaaliya la garab istaagaan.

SomaliSwiss     London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: