Maxaa loo dacweynayaa Cali Samatar kaligiis, mise wuxuu ka soo jeedaa beelaha loogu yeero 0.5?

Halkaan ka akhri

Madaxweyne xigeenkii hore ee Soomaaliya, isla markaana ahaa Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga ee Dawladii uu madaxweynaha ka ahaa, allaha u naxariistee, Jaalle Maxamed Siyaad  Barre ayaa la hor geynayaa  maxkamad ku taala magaalada Alexandria, VA ee dalka Maraykanka  Bishan  February ee aynu  ku jirno 21keeda.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska   The Center for Justice and Accountability   oo u doodaya dad reer Somaliland ah oo iyagu dacwaddaan ku soo oogay Cali  Samatar ayaa in ka badan  muddo Todoba Sanadood riixayay sidii ay Maxkamad u horkeeni lahaayeen Cali Samatar oo ah, halka qof ee ka tirsanaa dowladdii Siyaad Barre ee ka soo jeeday beelaha la yaso oo ay dacweynayaan, iyadoo taas sababteeda loo macneeyay ama loo fahmay, siyaabo badan, isla markaana su’aal laga keenay sababta lagu heysto mar haddii uusan kaligiis ka mid ahayn maamulkaas.

Tusaale ahaan, haddii Cali Samatar, lagu haysto, inuu ka qeyb qaatay, dagaal dowladdii Siyaad Barre, ku qaadday magaalada Hargeysa oo ay joogtay Jabhaddii SNM, Saraakiishii hogaaminaysay Ciidamadii dagaalkaas qaaday badankood waxay ka soo wada jeedeen Gobollada Somaliland, waxayna joogaan hadda intooda badan Somaliland, weligoodna su’aal lama weydiin, dambina looma qabsan, sidoo kale waxaa jira kuwa ka soo jeeda Gobollada Koofureed, iyaga sidoo kale weligood dambi looma qabsan.

Haddii lagu daayay saraakiishaas, qiilka ah: waa nagala sareeyay oo waa nala amrayey, sidaas darteed-na ay dambi la’aan ku noqdeen, taasi lafteeda haddii la yeelo, soow Cali Samatarba loogama sareyn, ma isagaa dalka xakumayay.

Haddii saraakiisha kale lagu daayay, waa tolka ama beeshooda ayaa hubaysan ama xoog badan, taasi soow daliil uma aha inuu sax yahay oo si toos ah loo sharciyeeyay, eraygii ‘looma ooyaan’ ee loogu wanqalay, dadka ka soo jeeda beelaha aan dhibka ka geysan Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayay waajib ku tahay inay difaacaan, muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo lagu xad gudbayo, iyadoo ay waajib tahay in qofkii dambi gala ee Soomaali ah lagu maxkamadeeyo gudaha dalka Soomaaliya, taas oo uusan macnaheedu ahayn in loo mara huwinayo dambiile, laakiin ay muhiim tahay in la ilaaliyo sharafta iyo madaxbanaanida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caalamka ku nool.

Haddii loo gurman waayo Cali Samatar, waxay muujin doontaa, inay weli Soomaalida ku weyn tahay, ama uu run yahay oo la aaminsanyahay, eraygii baxay waqtigii dagaalada sokeeye ee ahaa looma ooyaanka ee loogu yeeri jiray dadka ka soo jeeda beelaha aan dadka xasuuqin ama hubaysnayn ama loogu yeero Others.

Waxay sidoo kale, keeni doontaa in qof kasta oo Soomaali ah oo ku nool meel caalamka ka mid ah, ay dacweyso ama dacwo ku soo oogi karto, run iyo been, hadba qofkii doona, iyadoo lagu eedeynayo, wax jiri kara ama aan jirin, sida  ‘hadda ka hor ayuu igu caayay ama igu qoslay intii aan wada joognay Soomaaliya, mana jiraan wax diidaya arrintaas haddii la ogolaado dacwaddaan hadda socota, waxaana haboon in arrintaas saamaynta ay ku keeni doonto Soomaalida oo dhan lagu baraarugsanaado, mustaqbalka dhow iyo midka fog intaba oo aad looga fikiro.

SomaliSwiss ma difaaceyso, qofkii ama dadkii dambi ka gala dad kale oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, laakiin waxay diidan tahay in dadka dambiyada lagu wada tuhunsanyahay lagu sameeyo, kala sooc iyo heyb takoor, ama in si gooniya loo daba galo dadka loo arko inay liitaan ama jilicsan yihiin waqtigaan, iyadoo laga faa’iidaysanayo, duruufaha adag ee xilligaan uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya.

Maxaa loo dacweyn waayay, dad badan oo xilal ka soo qabtay, dowladdii Siyaad Barre madaxda ka ahaa, kuwaas oo dad badani dambiyo ku tuhmi karaan, ha noqdaano wax jira ama aan jirin, sida Daahir riyaale Kaahin, Siilaanyo, C/Qaasim Salaad Xasan, Gen Morgan iyo intii xilalka soo qabatay, hayaraado xilkaasi ama ha sareeyee.

Waxaan sidoo kale, ka welwelsannahay oo aad noola fool xun, isla markaana ceeb iyo yax yax iyo sumcad xumo noola muuqda, in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, meel dalka Soomaaliya dibaddiisa ah lagu maxkamadeeyo, iyadoo lagu eedeynayo wax Soomaaliya ka dhacay ama quseeya, ha noqdaano run ama been, iyadoo nuxurka dacwaddu tahay Soomaaliya ayuu sidaas igu yeelay ama igu yiri, taas oo aan u aragno, mid ka mid ah dhibaatooyinka Soomaalida ku soo wajahan mustaqbalka ee dadka kala fogeynaya.

Waxaan ku talinaynaa, in Muwaadin kasta oo Soomaaliya ciddii wax ka tabanaysa ay ku dacweyso Soomaaliya gudaheeda, haddii taas layeeli waayo, waxaa dhici karta ama dhici doonta in Qof kasta oo Soomaaliya, ee qurbaha ku nool maxkamad lagu geeyo ama lagu dacweeyo, wax Soomaaliya ka dhacay oo aan la garan karin run iyo been, xaq iyo baadil waxa ay ahaayeen, Waxaana taas fure u noqon doona arrinta Cali Samatar.

Haddii Cali Samatar, dacwadda lagu heysto run iyo been wixii ay tahayba la difaaci waayo, hala yaabin, akhristoow in adiga laftaada ama qof kale oo aad garanayso oo joogta  meesha aad ku nooshahay ama meel ka fog, la soo dacweeyo, iyadoo laysku maxkamadeynayo ama la isku eedeynayo, arrin Soomaaliya khuseysa oo beri hore dhacday ama aan dhicin, tusaale ahaan inaad ku qososhay qofka ku dacweynaya ama nin aad qaraabo tihiin oo dhintay ama nool uu lacag ka dhacay ama gurigiisa amar la’aan degay.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: