Mas`uuliyiinta Al-Shabaab oo isku khilaafay howlo Sako uruin ah oo ay ka wadeen qaar ka mid ah gobolada Koofurta Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Warar aan ka helna dad xoog ogaal u ah xaaladda Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ay isku khilaafeen howlo Sako uruin ah oo ay ka wadeen qaar ka mid ah gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in muddooyinkan dambe ay qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ay Xarakada Al Shabaab ka wadeen howlo ay dadka Soomaaliyeed ugu ururinayaan Sakawaat ayaa hadana Sarakiisha Al Shabaab waxaa soo kala dhexgalay khilaaf cusub oo ku aadan qaabka loo ururinayo Sakawaatkaasi.

Rag ka socda Xarakada Al Shabaab islamarkaana ay ku jiraan Mas’uuliyiin sar sare ayaa waxay gaareen qeybo badan oo ka mid ah gobolada Bay, Bakool, Sh/dhexe iyo Sh/hoose, haddaba Saraakiil gaartay gobolka Sh/dhexe ayaa la sheegay in uu hogaaminayay Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf, waxaana la tilmaamay in markii ay la kulmeen Maamulka Shabaabka u qaabilsan gobolkaasi ay ku wargaliyeen in la kordhin doono qaabka loo ururin doono Sakawaatka, hase ahaatee markii Mas’uuliyiinta Al Shabaab ee gaaray gobolka Sh/dhexe oo ku kulamay Sh/hoose ay isku khilaafeen qaabka loo adeegsanayo Sakawaatkaasi.

Si kasta ha ahaatee qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Al Shabaab ayaa soo jeediyay in Sakawaatkaasi lagu gado hub islamarkaana lagu maalgaliyo Xarakada Al Shabaab, halka kuwa kalena ay soo jeediyeen in dadka marka laga ururiyo Sakawaatkaasi loo celiyo dadka danta yar.

Sida la wada vogsoon yahay Mas’uuliyiinta Al Shabaab ayaa mudooyinkan dambe kulamo ku yeelanayeen gobolka Sh/hoose, kulamadaasi oo salka ku hayey, sidii loo soo afjari lahaa khilaafka cusub ee soo kala dhexgala Saraakiisha Al Shabaab.

SomaliSwiss      Marka

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: