Afhayeenka ciidamada Kenya oo sheegay inay ka dileen Al-Shabab 100 Maleeshyo, kadib duqeymo ay ka geysteen Jubbooyinka.

Halkaan ka akhri

Afhayeenka ciidamada Kenya Maj. Emmanuel Chirchir ee ku sugan gudaha wadanka Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta dalkiisa in duqeymo ay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalkaasi ka geysteen deegaano hoos taga deegaanka Badhaadhe ay ku dileen illaa iyo 100 dagaalyahan oo ka tirsan sida uu sheegay Xarakadda Al-Shabaab.

Sidoo kale Emmanuel Chirchir wuxuu sheegay in diyaaradahooda ay weerar ku qaadeen goob ay kulan ku lahaayeen xubno sar sare oo ka tirsan Xarakadda Al-Shabaab, halkaas oo uu sheegay inay joogeen illaa iyo 20 gaari oo tikino ah ee ay lahaayeen Al-Shabab, waxaana uu tilmaamay in weerarkaasi ay ku naf waayeen 100 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Afhayeenku wuxuu  tilmaamay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradahooda helicopter ah ay ka geystaan deegaano hoos Badhaadhe ku dhaawacmeen. Hase yeeshee ay ciidamada Kenya ay sii wadayaan dagaalka ay Al-Shabab kula jiraan ilaa ay ka garayaan baro cayiman oo ciidamadooda bartilmaameed u ah, wuxuuna intaa ku daray inay todobaadkii inaga tagay ay khasaaro badan gaarsiiyeen Xarakadda Al-Shabaab.

Si kasta ha ahaatee ma jiraan wax war ah oo dhanka Xarakada Al-Shabaab ah ka soo baxay oo warkaan la xariira, sidoo kalena ma jiraan ilo ka madax banaan oo xaqiijinaysa ama beeninaysa hadalkaan ka soo baxay afhayeenka ciidamada Kenya.

SomaliSwiss       Badhaadhe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: