Halkaan ka akhri
Waxaa dalka Switzerland si aad ah u soo gaaray Hirarka moojadaha qabowga ee ka socda Qaaradda Yurub.
Sida lagu soo warramay dhulka aan lahayn buuraha ayaa cabirka qabowga uu gaaray –6 ilaa -2 C°, balse dhulka buuraleyda ah ayaa cabirka qabowga uu gaaray heerka uga sare, sidaa waxaa caddeeyey Aqoonyahannada Cimilada ee Tefeeshanada Swisska qaybta Afka Jarmalka, waxayna sheegeen in Cimalada ay gaartay -21 ilaa  -26 C°,
Si kasta ha ahaatee waxaa la sheegay in maalmaha soo socda uu hirarka qabowga ay gaari doonaan heer aad u daran, gaar ahaan Habeenkii.
Ciidanka gurmad waddooyinka ayaa sheegay in qaar ka mid ah Waddooyinka dalkan Switzerland uu barafku noqday dhagax, sidaas darteed waxaa waddooyinkaas ka dhacay Shil baabuur oo keenay dhimasho iyo Dhaawaca.
SomaliSwiss Swissinfo
Filed under: Dhicisow |
You must be logged in to post a comment.