Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Ethiopian ah oo ku wajahan magaalada Baydhabo.

Halkaan ka akhri

 Wararka naga soo gaaraya in ciidamada Dowladda FKMG iyo kuwa Ethiopiyaanka ah ayaa la sheegay inay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada degmada Luuq ee gobolka Gedo waxayna ku soo wajahan yihiin magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Dadweynaha deggan  degmada Luuq ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo isugu jira Soomaali iyo Ethiopiyaan oo ka soo baxay degmada Luuq, kuna wajahan inay weerar ku qaadaan degaano ka tirsan gobolka Bay, inkasta oo aan si rasmi loo ogeyn halka ay haatan ku sugan yihiin.

War uu noo soo diray Wakiilka SomaliSwiss ee Gobolka Gedo ayaa sheegayaa in Kolonyo gaadiidka dagaalka ah ee ay wateen ciidamada isugu jiray Ethiopiyaan iyo Soomali ayaa  labadii maalmood ee uga dambeyay ku sugnaa degmada Luuq, Ciidamadan ayaa si aad ah u hubeysnaa, waxayna wateen gaadiidka gantaalaha jiida iyo kuwa gawaarida gaashaaman ayaa xalay bilaabeen inay ka baxaan degmada Luuq, kuwaasi oo u dhaqaaqay dhinaca gobolada Bay iyo Bakool.

Sidoo kale maamulka ururka Al-Shabaab ee ku sugan magaalada Baydhaba oo maalmahaanba dhaqdhaqaaqyo ka waday halkaasi ayaa dadka gobolada Bay iyo Bakool ku amray inay ka qeyb galaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda KMG ah.

Somaliswiss    Luuq

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: