Al-Shabaab oo xalay ilaa saakay isaga cararay qeybo ka mid ah Gobolka Jubada Hoose.

Halkaan ka akhri

 Wararka aynu ka heleyno Jaziiradda Kudhaa oo qiyaastii 180km dhanka koonfur galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in ay halkaasi isaga baxeen xoogaga Al-Shabaab.

Sida ay sheegayan wararka deegaanka aan ka helayno, xalay xilli dambe ayay Ciidamada Al shabaab isaga baxeen Magaalada iyadoo dadweynaha Magaalada saaka ku soo toosay  iyadoo maran oo aan cidna joogin Magaalada.

Ka bixitaanka xoogaga Alshabaab ee Jaziiradda Kudhaa ayaa ka danbeeyay markii shalay lagala wareegay degmada Badhaadhe oo ah halka laga xukumo Jaziiradda Kudhaa.

Axmed Madoobe oo u hadlay kooxda raaskanbooni ee dagaalka kula jirta Al Shabaab ayaa sheegay inay hadda ku sii jeedan Magaalada Kismaayo.

Al shabaab oo cadaadis culus kala kulmaya Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Kenya ayaa damacsan inay bilaaban dagaal dhuumaaleysi ah .

Xaaladda Jaziiradda Kudhaa ayaa saaka ah mid aad u kacsan, iyadoona la filayo in ay soo gaaraan ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo iyagu ku sugan Jaziiradda buurgaabo oo qiyaastii 30km u jirta Kudhaa.

Warar kale ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay faaruqiyeen deegaanno kale oo ka tirsan Jubada Hoose, kuwaas oo halbowle u ah, difaaca magaalada Kismaayo.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: