HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Xoghayaha arimaha dibedda Ingiriiska William Hague oo saaka wafdi uu hogaaminayo ay soo gaareen magaalada Muqdisho ayaa haatan ku sugan xerada Xalane ee taliska ciidamada AMISOM.
Wafdiga William Hague oo uu ku jiray danjiraha cusub ee dawlada Ingiriiska u qaabilsanĀ arimaha Soomaaliya Matt Baugh ayaa kulan madaxtooyada kula soo qaatay madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, halkaasoo ay shir wadajir ah ugu qabteen saxaafadda.
Kulanka madaxtooyada ka dib ayaa wafdiga dawlada Ingiriiska waxay u gudbeen xerada Xalane ee xeebta magaalada Muqdisho ku taalla iyagoo halkaasi qado ay ugu sameeyeen saraakiisha taliska AMISOM.
Wasiirka arimaha dibedda Ingiriiska William Hague ooay u tahay markii ugu horeysay ee uu Soomaaliya yimaado ayaa la soo sheegayaa inuu si degan ula qadeynayo taliye ku xigeenka AMISOM iyo saraakiil ka tirsan xafiiska UNPOS ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan siyaasadda Soomaaliya kaasoo dhowaan laga furay Muqdisho.
Kulankan qadada ah wax masuul ah oo ka tirsan dawlada Soomaaliya kama qeybgalayaan, waayo laguma casumin.Ā
Arinta cajiibka ah ayaa waxay tahay in masuuliyiinta DKMG ah aysan illaa waqtigan aysan ka warheyn in William Hague uu Muqdisho sii joogo, waayo baabuurtii gelbineysay waxay madaxtooyada ka soo bexeen ku dhowaad 1:00 duhurnimo ee maanta oo hadda labo saacadood laga joogo.
Mr. Hague ayaa marka uu qadada dhameysto ka dib labalansan saxaafadda, isagoo wareysi toos ah [live] siin doona qaar ka mid ah telefishanka dalka Ingiriiska oo la socda, wafdigiisa.
Waxaa lagu wadaa in wafdiga ay galabta ka dhoofaan garoonka Muqdisho iyadoo garoonka ay taagan tahay diyaaradii wafdiga keentay oo ahĀ mid gaar ah.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.