Turkish Airline oo maanta Muqdisho ka qaaday Arday deeq waxbarasho ka helay Turkiga.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Akhristeyaal, intii shalay akhrisay SomaliSwiss, waxaan idiin soo gudbinnay, inay jiraan arday soomaaliyeed oo loo qaadi doono, dalka Turkiga, kuwaasi oo deeq  waxbarasho kala duwan ka helay dowladda aan saxiibka iyo walaalaha nahay ee Turkiga.

Akhriste-yaasha sharafta leh waxaan maanta sidoo kale, halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada Arday tiradoodu gaareyso 400 oo maanta Muqdisho laga soo sagootiyey kuwaasi oo deeqahaas waxbarasho ugu baxay dalkaasi Turkiga. HALKAAN KA AQRI WARBIXINTII HORE EE SOMALISWISS IYO ARDAYDAASI WAXA AY KALA YIHIIN IYO WAXA AY BARAN DOONAAN.

Munaasbadda lagu sagootinayey Ardayda oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kala qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidoo kale waalidiinta dhashay Ardayda deeqaha waxbarasho ka helay Turkiga.

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: