Dowladda Ingiriiska (UK) oo Safiir u magacawday Soomaaliya, Safaaradeedii Muqdishana fureysa.

HOOS AQRI WARSAXAAFADEED

Halkaan ka akhri

British Office, for Somalia, British High Commission

Waxaa Manta Muqdisho boqoday Xoghayaha Arrimada dibedda ee BritainĀ  Mudane, William Hague. Booqashadan oo ah markii uga horeysay kadib sanadki 1992 aya mujineyesa in Britain ay ka go’antahay la shaqeynta shacabka iyo dalka Soomaliya.

Horumarka laga gaaray dhanka amniga iyo siyaasadda ayaa waxay ay keentay in la helo fursad taariikhi ah oo waxa lagaga badeli karo wadanka iyo sidii loo dhisi laha aasaska xasilooni waarta.

Dadaalka joogtada Britain ee Soomaliya waxaaĀ  daliil u ah in Safiirka cusubĀ  ee UK Matt Baugh oo warqadihisa u gudbiyay Madaxweynaha Soomaliya. UK ayaa damacsan in aay dib u furto safaraddii ay kulaheyd Soomaliya haddii ay surta galiso xaalada amaan ee Soomaliya.

Seddax isbuuc gudahood ayaa waxaa Britain ay marti galeneysa shir looga hadlayo Soomaliya oo ka dhici doona LondonĀ  oo ay kasoo qeyba galeeyaan in ka badan 40 waddan iyo hay’aada calami ah.

Shirka London ayaaĀ  waxaa laga doonaya in ay ka soo baxaan go’aano qeexan oo wax ku ool caalami ah oo wax ka qabta sababaha salka uu ah colaadda Soomaaliya iyo geedi u socod cusubĀ  ee dhankaĀ  siyaasada SoomaliyaĀ  oo is ku wafaqsanyihiin dhaman dadka Soomaaliya. Dhibatada Soomaliya ka jirto lagu ma xallin karo waqti yar, balse, waxaan rajeynayaa in shirka London uu noqdo mid dhiiri geliya in la helo xeelad cusub oo caalami ah iyo dadaal Soomaaliyeed.

Xoghayaha arrrimaha dibedda ayaa la kulmay Madexweynaha DKMG Soomaaliya, Sheikh Sharrif Sheikh Axmed oo uu kala hadlay Shirka London iyo in Britan ay mudnaanta siineyso dhameysitirka kala guurka siyaasadeed, bisha Augusto ee Sanadkan.

William Hague ay la filaya in uu la kulmo Rai’sul wasarraha DKMG Soomaliya. Waxaa sidoo kale la filaya in Hague uu la kulmo Talliyaha cidanka AMISOM aya kawada hadli doonan sidaa ay socdan hawlgalidi uga dambeyay iyo in Britain ay si wadi doonto tageerada AMISOM.

Sido kale, William Hague aya la kulmay Duqa Magallada Muqdiso iyo urrurada bulshada oo ay ka wala hadli doonaan xaaladooda nolasho ee maalin walba iyo shirka London. Hague ayaaĀ  sheegay fariintisa ay tahay in dadka Soomaliya in qeyb weyn ka qabtaan xeelada cusub oo wax lugu qabto waddankooda.

Waxaa ay u qalman in ay helaan aaya wanagsan kadib 20 sano oo colaad ah oo u dhul digtay dhibata fara badan oo aan maskax gal aan aheyn. Waxaa loo baahanyahayĀ  in la hela Soomaliya oo xasiloon oo nabad ah oo xadidi karta xadkeyda,ā€

Shirka London ee Soomaaliya ayaa waxaa ulajeeda laga leeyahay ay tahay in la is ku afgarto qodobo muhiim ah oo Soomaaliya lagu taageeraayo todobo qodob oo kale ah; amniga, geedi-socodka siyaasadda,la dalagaanka argagaxisada, burcad badeeda, amniga goboladda, samafalka iyo xiiriika calamiga ah.

Arrimahan dhamantood aya wax ka qaban doonaan xaaladda Soomaliya ayado tan wax ka qaban aminga calamka oo dhan , ooĀ  Britain ay ka mid tahay. Qeybo badan ee Soomaliya aya waxaa mamuula kooxa xagjiir ah iyoĀ  dabley kuwasi Soomaliya ka dhigta hooy ay ka abaabulan falal argagaxisinimo iyo afduub lo geysto daad British ah , waxana diyar unahanay in arrintan wax ka qabano

British Office, for Somalia

British High Commission

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: