Ra’isal wasaare Abdiweli Gaas iyo kan dalka Talyaaniga oo ku kulmay magaalada Rome.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Rome ee wadanka Talyaaniga ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ra’isal wasaaraha dalka Talyaaniga Mario Monti.

Labada Ra’isal wasaare oo ah Professoro dhanka Dhaqaalaha ah ayaa yeeshay kulan dheer oo ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka qotada dheer ee labada dal, Arrimaha amniga, Burcad-badeeda, Qaxootiga Soomaalida, Roadmap-ka iyo shirka ka dhacaya London 23-ka Febraayo.

Dr Abdiweli Gaas ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyey Ra’isal wasaaraha Talyaaniga Mario Monti casuumaada rasmiga ah iyo soo dhoweyntii quruxda badneyd. Kadibna waxuu warbixin kooban ka siiyey xaaladda Soomaaliya iyo horumarka baaxadda leh ee ay Dowladdu ka sameeysey lixdii bilood ee la soo dhaafay dhanka amniga, xiriirka maamulada, dib u heshiisiinta, maamul wanaaga, dastuurka iyo dib u habeynta Baarlamaanka.

Ra’isal wasaaraha Talyaaniga Mario Monti u ayaa ballanqaaday in uu garab taagan yahay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay ka caawini doonaan shacabka Soomaaliyeed arrimaha soo celinta amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, dib-u-dhiska dalka iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa mashaariic horumarineed.

Mudane Monti ayaa sheegay in Shirka London uu Talyaaniga si weyn u taageeri doono qorshaha ay Soomaalidu wadato kadib markii uu dhageystay Ra’isal wasaare Abdiweli oo ka codsaday in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan Shirka London in uu garab istaago Roadmap-ka iyo Garowe Principles oo la doonayo in Baarlamaan tiro yar oo tayo leh la soo xulo, isla markaana la dhameystiro dastuurka si looga gudbo marxaladda kala guurka ah.

Sidoo kale Ra’isal wasaare Abdiweli ayaa sheegay in Shirka London laga filan karo inuu dib-u-soo nooleeyo hay’adaha amniga Soomaaliya iyo in August 2012 ay dhacaan doorashooyin ay shacabka Soomaaliyeed xor uyihiin.

SomaliSwiss Rome

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: