Qarax miino ah oo Saaka ka dhacay Xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Baladweyne.

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in Saakay uu ka dhacay ee xarunta gobolka Hiiraan Qarax miinnada dhulka lagu aaso ah, kaasi oo lala beegsaday ciidamada Itoobiya ee caawinaya ciidamada Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan. wararku in Qaraxan uu ahaa mid  lala beegsaday ciidammada Itoobiya oo marayay halka loo yaqaanno Buundo Koowaad, waxaana qaraxa ku dhaawacmay saddex ruux oo rayid ah

Ciidammada dowladda Soomaaliya  oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ayaa gudaha magaalada Baladweyne ka billaabay baaritaanno xooggan oo lagu ogaanayo  dhagar qabayaashi soo dhigay qaraxaasi.

Si kasta ha ahaatee Xaaladda magaalada Baladweyne ayaa ayaa la sheegayaa inay kacsan tahay, waxaana hakad galay isku socodii dadka iyo gaadiidka, waxaana xirmay ganacsiga, hase ahaatee waxaan la ogeyn sida xaaladda magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay noqon doonto.

SomaliSwiss     Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: