Dowladda Turkiga oo shaacisay in 400 oo Arday Soomaaliyeed ah waxbarasho kala duwan loogu qaadayo dalkooda.

Halkaan ka akhri

Dowladda Turkiga ayaa waxay 400 oo arday Soomaaliyeed ah siisay deeq waxbarasho oo dhinaca diinta Islaamka ah, kuwaasoo lagu wado inay Khamiista berri ah loo duuliyo magaalada Istanbuul.

Saraakiisha hay’adda arrimaha diinta ee dalka Turkiga, ayaa sheegay in 400 ee arday ay 100 ka mid ah yihiin haween, waxayna intaas ku dareen inay culuunta diinta Islaamka ka baran doonaan dugsiga sare ee Imaam-Hatip.

Mas’uuliyiinta hay’adda ayaa sidoo kale sheegay in ardaydu ay ugu talogaleen inay dib ugu laabtaan Soomaaliya marka ay waxbarashadooda dhameystaan si ay qayb uga qaataan horumarinta arrimaha diinta Soomaaliya.

Ismaaciil Palakoğlu, oo ah ku xigeenka madaxa haya’dda arrimaha diimaha ee dalka Turkiga ayaa deeqdan waxbarasho ku tilmaamay middii ugu qiimaha badnayd ee ay Turkigu siiyaan ugu deeqaan ardayda Soomaaliyeed. HALKAAN KA AQRI WARKAAN OO ENGLISH AH

“Saddex bilood ka hor, waxaan wareysiyo la yeellanay 3,000 oo arday Soomaaliyeed ah kuwaasoo ka kala yimid gobollada Soomaaliya, waxaana u doorannay 400-arday inay wax ku bartaan Turkiga,” ayuu yiri Palakoğlu.

Ku xigeenka madaxa hay’addu wuxuu intaas ku daray in 50-wiil oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ay wax ka baran doonaan jaamacadda Ondokuz Mayıs. Sidoo kalena 50-gabdhood oo ka mid ah ardayda ay ka baran doonaan Qur’aanka, luuqadda Turkiga iyo dhaqanka iskuul ku yaalla magaalada Istanbuul oo ah xarunta labaad ee Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Ahmet Davutoğlu ayaa sheegay in dowladda Ankara ay ururisay lacag gaaraysa 538.2 million oo Liiraha Turkiga ah oo ay ku bixinayaan la dagaalanka gaajada iyo macluusha Soomaaliya.

SomaliSwiss Monitoring Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: