Wiil doonayay in uu isku qarxiyo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo la qabtay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay wiil dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab kaasi oo doonayey in uu isku qarxiyo islamarkaana naftiisa haligo.

Wiilkan oo ay galabta soo bandhigtay Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ee ka tirsanaa Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu magacaabaa Ismaaciil Axmed Yuusuf magaca hooyadiisana waxaa uu  ku sheegay Xaliimo Sheekh Cumar ayadoo da’diisana ay tahay 20 sano jir.

Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay wiilkan yar ayaa tilmaamay in Ciidammada Nabad Sugiddu ay qabteen xili uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho islamarkaana ay Shabaab usoo direen in uu gudaha garoonka isku qarxiyo.

Ismaaciil Axmed Yuusuf oo ah wiilka galabta lasoo bandhigay ee ka tirsanaa Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab ayaa tilmaamay in kooxda uu ka tirsanaa garoonkana uu u yimid in uu ogaado halka uu isku qarxin lahaa waxaase mar la weydiiyey waxa ku kalifay inuu naftiisa haligo uu sheegay in laga dhaadhiciyey Janada iney ka xigto inta uu naftiisa jarayo.

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Codadka Wiilka Doonayey in uu Is Qarxiyo iyo Taliyaha

Wiilkan ay galabta soo bandhigtay Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee ay Maleeshiyada Shabaab u qorsheeyeen in uu is qarxiyo ayaa qeyb ka noqonaya falal dhowr ah oo ay Hay’adda Nabad Sugidda ku guuleysatay fashilintooda.

%d bloggers like this: