Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Taliyaniga Giulio Terzi.

Halkaan ka akhri

Ra’iisul Wasaaraha KMG Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ayaa kulan dheer la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga H.E. Giulio Terzi. Kulankan ayey labada mas’uul uga hadleen xiriirka qotada dheer ee labada dal, xaalada dalka Soomaaliya, arrimaha Burcad-badeeda, arrimaha Amniga iyo Shirka London.

Ka dib markii uu dhamaaday Kulankooda ayaa waxey labada mas’uul wada qabteen shir-jaraa’id, waxeyna sheegeen inay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah labada dal, ayna rajeynayaan inay sii xoojiyaan xiriirka labada dal.

 Sidoo kale labada mas’uul waxey sheegeen inay ka wada hadleen shirka London oo Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya sheegay in la rajeynayo in shirkaas uu middeeyo beesha caalamka oo ay u soo jeestaan sidii xal waara loogu heli lahaa Soomaaliya, isla markaan lagu sii horumarin lahaa dadaalada socda iyo horumarka laga sameeyey dhanka Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Xiriirka maamulada iyo Dowladda, Maamul wanaaga, Dastuurka qabyada ah iyo dib-uhabeynta Baarlamaanka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga ayaa sheegay in Talyaaniga uu tagayo shirka Lodon isla markaana taageeri doono mowqifka Soomaalida si xalku u noqdo mid ay Soomalidu leedahay.

Ra’isal Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Wasiirada Gaashandhiga, iyo Arrimaha Gudaha iyo Ra’isal Wasaaraha Dalka Talyaaniga.

Ugu danbeyntii Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Talyaaniga sida ay uga go’antahay in la sii xoojiyo xiriirka qotoda dheer iyo u gargaarida shacabka Soomaaliyeed.

Somaliswiss    Roma

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: