Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Al-Shabaab oo uu dagaal xoogan ku dhexmaray deegaanka Jaziira ee degmada Wadajir.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Al-Shabaab ay Saakey dagaal xooggan ku dhexmaray Deegaanka Jaziira ee degmada Wadajir.

Waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in Deegaanka Jaziira ay Saaka qabsadeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab, balse isla saaka laga saaray maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee halkaas qabsadeen, kadib markii Ciidamada Dowladda KMG ah ay halkaasi weerar aan horay loo arag ku qaadeen.

Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa dhan walba weerar lixaad leh uga soo qaaday Al-Shabaabkii qabsaday Deegaanka Jaziira, waxaana u suurtagshay ciidamada Dowladda KMG ah oo uu la socdo maamulka Degmada Wadajir inay halkaasi ka saaraan kooxihii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in Ciidamada Dowladda KMG ay dagaalkaasi ku qabteen maxaabiis dhowr ah, inkastoo aan ilaa iyo hada la cadayn tirade maxaabiista ah ee dagaalkaasi lagu soo qabtay.

Dhinaca kale wararku waxay sheegayaan inay Ciidamada Dowladda KMG ah ay haatan ku sugan yihiin deegaanka Garas Gawaan oo ka shisheeya deeganka Jaziira.

Somaliswiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: