Jaaliyadda Soomaalida ee Kanton Basel oo u dabaal degtay Munaasabadda Sanad guuradii 6-aad ee ka soo wareegtay Aasaaskii Jaaliyadda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

[blip.tv http://blip.tv/play/h5Nogum4QAA width=”540″ height=”400″]

Waxaa Maalintii Sabtida ahayd ay Jaaliyadda Soomaaliyeed  ee Kanton Basel u  dabaal-degeen munaasab laga Maamusayey Sanad guuradii 6aad ee ka soo wareegatay maalintii dhidibada loo aasay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kantonka, waxaana Xaflad  lagu qabtay bartamaha magaalada Basel.

Xafladan oo aheyd mid si aad loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan Jaaliyadda ku nool degmada Basel iyo dhammaan Nawaaxiga, Woqooyi Galbeed ee Swisska, waxaana xafladdaas ka soo qayb galay dad badan oo Ajaanib ah oo lagu soo Matiqaaday iyo Madaxda Jaaliyadaha Kanton Zürich Marwa Xaawa Muudey, Kanton Neuchötel Mudane Maaxi, kanton Schafhausen iyo qoysas badan oo isugu jira Ragga iyo Haweenka, balse waxaa si aad uga soo qayb galay dhallinyarada aad u fara badan oo muujiyey isku duubni iyo Soomaalinnimo.

Waxaa ugu horreyntii Xafladdaas ka hadlay Guddoomiyaha Jaaliyadda Basel Mudane Cabdullaahi Xuseyn Cumar oo si aad ah uga hadlay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii ay jaaliyaddu isagu warqabi lahaayeen isla markaasna ay  xiriir wanaagsan ula yeelan lahaayeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala nool Kantoonada kale ee Switzerland.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Basel Mudane Cabdullaahi Xuseyn Cumar wuxuu kaloo ka hadlay sida  loogu baahan yahay midnimada iyo wax wada qabsiga umadaha, wuxuuna si  aad ah ugu dheeraaday halganka ay Jaaliyaddu u soo gashay isu keenida dad isku calool xumaa oo isa soo dilay inta ay joogeen dalka oo dagaalka Sokeeye socday.

Guddoomiyuhu oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Ma aha wax fudud ee way adag tahay in shacab sida Soomaalida oo kale hal meel la isugu keeno, waayo waxaa lumay is-aaminkii dhex yaalay qoomiyadaha dagaalka Sokeeye dhex maray, hase yeeshee  haddaan nahay Soomaalida ku nool Kanton basel ee wadanka Switzerland, waxaan ku guuleysanay dadaal dheer ka dib, in aan Soomaalida hal meel iskuugu keeno“.

Sidoo kale waxaa halkass ka hadashay Guddoomiyaha Jaaliyadda Kanton Zürich Marwa Xaawa Muudey oo ka hadashay in Jaaliyadda Zürich loo dhisay si waafaqsan sharciga iyo xeerarka dalka Switzerland, sidaas darteed waxay leedahay Xeer lagu dhaqmo, sidoo kale waxay isku dayday sidii loo abuuri lahaa Jawi Soomaalinnimo, inkastoo ay jiraan kuwa maskaxdooda lagu tolay qabiilka iyo war-xuma tashiilka, waxayna si xamaasad leh uga hadashay midnimada.

Kulankan halkii sanaba mar la qabta ayaa waxaa looga hadlaa , sida uga habboon oo Is-dhegalka ula sameystaan soomaalida dadka ay la nool yihiin oo isugu jira Swiss iyo Ajaanibka kaleba iyo sidii wax loogu qaban lahaa Soomaali cusub ee qaxootiga ah.

 Waxaa kaloo munaasabadda Sanadguurada 6aad Jaaliyadda Soomaalida Kanton Basel si aad uga muuqday Guddiga Fulinta oo heegan u ahaa soo dhaweynta Martidii ka soo soo qayb gashay.

Sidoo kale Waxaa xafladaas ka hadlay qaar ka mid ah hay’adaha dowladda kantoonka iyo Ururrada aan dowliga ahayn, waxayna sheegeen in Soomaalida ay xiriir fiican la sameeysteen dadka Swisska ah ee Kanton Basel.

Balse waxaa  xafladda Munaasabaddaas wacdarro ka muujiyey Fannaanintii lagu soo casumay oo ay ka mid ahaayeen Cabi Shire Jooqle oo ka tirsan Kooxda Qayla dhaan. Al Fanaan Axmed Yaasiin, Cabdow Muuri iyo Fannaaniin kale, waxaana halkaas lagu soo bandhigay Muusikada iyo Heeso Waddani ah Jeceelba iyo kuwo qoob ka ceyaar iyo jeceel isugu jiray.

Dhanka kale Fannaan Cabdi Shire oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ku nuuxnuuxsaday in looga baahan yahay in Soomaalida ay dhowraan magaca iyo sharafta Umadda Soomaaliyeed Is-dhexgalna ( Integration) la sameeystaan dadka ay la nool yihiin.

Hase yeeshee waxaa Munaasabadda Sanad Guurada 6aad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Basel ay Haweenka Jaaliyadda ku soo bandhigeen Cunto/dhaqameedka ay Soomaalidu hiddo iyo dhaqan u leedahay, sidoo kale dadkii halkaas isu yimaaday ay dhadhansadeen Qada Sharafta ay ku fara yareysteen karinteeda haweenka Gobolka Baasel.

Si kasta ha ahaatee gabagabadii xaflada munaasabadaas waxay ku dhammaatay farxad iyo reyn-reyn, waxaana goobtaas lagu daawaday Ciyaar dhaqameydka Soomaalida ay isku soo dubarideen koox ka tirsan dhallinyarada Kanton Basel, sida Dhaantada, Kabeebeyda iyo kuwo kale oo badan, hase ahaatee dadkii daawanayey ay si fiican uga qanceen.

SomaliSwiss  Zürich

Qore Dr. A. Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: