Advertisements

Warsaxafadeed ka soo baxay Shirki Ahlu Sunnada gobolada dhexe ay ku lahaayeen magaalada Harar ee wadanka Ethiopia.

Halkaan ka akhri

Waxaa dhawaanahaan Masuuliyiinta ugu saraysa maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee ka arimiya Gobolada Dhexe ee wadanka Soomaaliya Shir balaaran uu uga soconayay magaalada Harar wadanka Ethiopia, shirkaas oo looga hadlayay sidii loosii Dar Dar galin lahaa howl galada maamulka Ahlu Sunna ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa  Qodobadii ugu Muhiimsanaa ee Shirkaasi kasoo baxay  kamid  ahaa  sidii ciidamada Ahlu Sunna loo tayayn lahaa Dhanka Hubka iyo Tababarada,  si ay Howlgalo waxtar leh u fuliyaan, waxaana Howlgaladaasi gacan wayn ka gaysan doona dowlada Ethiopia.

Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii deegaanada ay Ahlu Sunna ka taliyaan cidii isku dayda in ay Qalalaaso ka abuurto gacan Bir ah loogu qaban lahaa, waxaa kale oo looga wada hadlay sidii Khilaafaadka ka dhex jira Maamulka Ahlu Sunna loo xalin lahaa.

Kulankan ayaa soconayay mudo 3 Cisho ah,  waxaana  ka qayb qadanayay Masuuliyiinta Ahlu Sunna iyo Saraakiil ka tirsan Ethiopia, waxaa uuna soo  xirmay Habeenimadii Xalay.

Shirkaan aya  Masuliyinti ka soo qayb gashay  waxaa ka mid aha  Gudoomiyaha Ahlu Sunna ee gobolada Dhexe Xirsi Aw Maxamed Hilowle Laba Garre iyo Masuuliyiin Sar Sare oo ay kamid ahaayeen taliyaha ciidamada Ahlu Sunna, gudoomiyaha magaalada Dhuusa-Mareeb, Gudoomiyaha Balanbale, Guriceel iyo Xubna kale oo Miisaan ku leh Ahlu Sunna, sida Sheikh Shaafici Macalin Cabdullahi Sh. Cumar Sh. Maxamed Faarax Aadan Cabdulle Cawaale Waxaana la isla meel dhigay sidii ay howl galadu kusocon lahaayeen.

Qodobadii lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ahaa in ciidamada Maamulka Ahlu Sunna la tayeeyo si ay u fuliyaan dagaalada ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab, isla markaana ciidamo dheeraad ah loo taba baro Ahlu Sunna.

Shirkan oo bilowday 24-kii bishan isla markaana socday illaa 29-ka ayaa waxaa uu ahaa mid mira dhala, waxaana la iskula Dar-daarmay sidii Qof walba oo Shirka saxiixay uu u fulin lahaa dhamaamba qodobada  lagu heshiiyay.

Shirkaan aya waxaa uu noqonaya mid Shacabka ku nool Gobolada dhexe ee Somali  wax tar u ah  isla markana  ay wax badan  ka faidi doonan  qodobada  Shirkaan ka soo baxay .

Hoos ka Akhri Qodobadii kasoo baxay Shirka oo dhamaystiran:-

(1) Shirka waqtiga la qabtay 24-29-ka bisha 1-aad

(2) Isgaarsiinta waxaa ka caawiyay Ahlusuunna Wal-jamaaca dowladda Ethiopia

(3) Dhaqaalaha waxaa baxshay IGAD

(4) In la kordhiyo tirada ciidamada ASWJ Si ay Howl Galadu u Noqdaan Kuwa Mira dhala

(5) In la tayeeyo ciidanka tiro iyo tababar intaba

(6) In la isku diyaarsho sidii looga xurayn lahaa Al-shabaab dhammaan Goballada dhexe

(7) In la xalliyo khilaafaadka hoose ee ka jira deegaanka ASWJ ka taliso

(8) InTillaabo xoogleh laga qaado, lagana hor tago cid kasta oo isku deyaysa in ay xasiloonida iyo amniga deegaanka goballada dhexe ee ASWJ ka taliso wax u dhimaya

(9) In wacyigelin iyo xiriir wanaagsan laga dhex abuuro beelaha deggan degmooyinka dhawaan laga  kacshay cadawga Al-Shabaab sida degmada Baladwayne.

SomaliSwiss Harar

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: