Advertisements

Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Shariif Xasan iyo Siyaasiyiin kale oo Qorsheynaysa in ay maamul goboleed cusub dhisaan.

Halkaan ka akhri

Waxaa si xowli ah u socda dadaal uu gadaal ka riixaayo Gudoomiyahii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Xubno kale oo siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda Gobolada Sh/hoose, Bay iyo Bakool, kuwaas oo doonaya in ay dhisaan Maamul Goboleed, haddiiba uu ka tanaasulo Xilka Gudoomiyaha Baarlamanka ee laga qaaday, waxaa ay sidoo kale doonayaan masuuliyiintan in ay Saraakiisha Xukuumada Ethiopia culeys ku saraan sidii ay uga xoreyn lahaayeen oo looga saari lahaa Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee meelahaasi ka arimiya.

Xogtan ayaa tilmaameysa qorshahan ay diyaariyeen Shariif Xasan Sh. Aadan iyo xubno siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool in ay doonaayaan marka hore in loo xoreeyo degaanada labada Gobol, kadibna ay u dhistaan Maamul Goboleed uu hormuud ka yahay Shariif Xasan oo xiligan xaalad cakiran oo jahawareer ah ku jira kaidb markii Xildhibaanada intooda badan ay xilkii ka qaadeen.

Shariif Xasan ayaa Qorahaan haddii uu hirgalo waxaa uu ku dhawaaqi doonaa Maamul Goboleed Hoos yimaada Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose, kadib waxaa u qorsheysan in marka uu u hirgalo Qorshahaas uu Madaxweyne ka noqdo Gobolada Bay iyo Bakool, sidaana uu ugu sii jiro saaxada Siyaasada Soomaaliya, waxayna sheegeen waa hadii uu waayo Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ee laga qaaday, welina uu khilaaf ka taagan yahay.

Waxaana maalmaha soo socda lagu wadaa in dalka Ethiopia uu gaari doono Xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan oo ay dowladda Ethiopia isla soo meel dhigi doonaa qaabka ugu haboon ee Maleeshiyadka kooxda Al-Shabaab looga saari karo Goboladda Bay iyo Bakool, isla markaana maamul cusub loogu sameyn lahaa.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: