Advertisements

Al-Shabaab oo ay maanta ka goosteen Boqolaal Ciidamo ah oo watay Gaadiid iyo hub kala duwan.

Halkaan ka akhri

Ciidamadii ugu tirada badnaa ee halmar ka goosta Al-Shabaab iyagoo weliba hubkoodii kala duwanaa wata ayaa maanta laga soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, kuwaas oo lasheegay inay gaarayaan Boqolaal ay ku jiraan saraakiil sare.

Waxaa goor dhaw Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya isku soo dhiibay dagaal-yahano fara-badan oo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, kuwaa oo si rasmi ah uga soo goystay Xarakada Al Shabaab.

Dagaal-yahanadaan oo ku hubeysan noocyada kala duwan ee hubka iyo qaar ka mid ah baabuurta dagaalada, ayaa waxay ka soo gudbeen dhinaca Deegaanka Kaxda ee duleedka Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.

Warbixinno SomaliSwiss heshay oo aan weli laxaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ka soo goostay ay la-socdaan Saraakiil muhiim ah oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, waxayna xilligaan  si toos ah ugu wareegeen, xuduudka ay dowladdu ka taliso, iyadoo la sheegay in si niyad ah loo soo dhaweeyay.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Saraakiil hogaaminaysa ciidamada soo goostay ay in muddo ah u socdeen wada-hadalo muddo qaatay, taasoo ugu dambeen keentay inay maanta isku soo dhiibaan Dowladda KMG ah, sida ay tibaaxayaan wararku.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la-fillaayaa in Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay iskugu yeerto Saxaafadda, waxayna markaasi u soo bandhigi doontaa askarta iyo saraakiisha isku soo dhiibtay.

Hadaba wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararka dambe ee SomaliSwiss.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: