Shirkii IGAAD oo soo dhamaday iyo qodobo ka soo baxay (Daawo soo dhoweynta Madaxweyne Shariif)

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxda Urur Goboleedka Igad ayaa shirkoodii 20-aad uga furmay Magaaladda Addis Ababa ee Xaruunta Wadanka Itoobiya, waxaana looga hadlay arrimo quseysa Wadamada Somaliya iyo Koonfurta Suudaan.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya hogaamiyaasha wadamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, Wakiilada ururada Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabta.

Shirka Magaaladda Addis Ababa ayaa waxaa shir gudoominaayay Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Meles Zenawi, isagoo shirka ku daah furay in looga hadlaayo arrimaha Somaliya iyo Koonfurta Suudaan oo qura.

Shirka oo Jimcihii shalay Magaaladda Addis Ababa lagu soo afjaray, ayaa waxaa leesku raacay in la-kordhiyo Ciidamadda Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, si markaasi looga adkaato Xoogaga Shabaab, oo loo-arko mid halis ku ah ammaanka Geeska Afrika.

Waxaa la-fillaayaa in dhawaan Magaaladda Muqdisho ay soo saaraan Ciidamadda kun gaaraaya oo ka socda dhinaca Wadanka Sierra Leone, kuwaa oo qeyb ka noqon doona Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: