Koox hubeysan oo magaalada Muqdisho ku dishay Agaasimihii Idaacadda Shabelle.

Halkaan ka akhri

Allaha u Naxariistee Xassan Cismaan Cabdi Fantastic oo ahaa Agaasimaha Idaacadad Shabeelle ayaa caawa kooxo hubaysan waxaa ay ku toogteen afaafka hore ee guriga uu ka deganaa degmada Wadajir gaar ahaana xaafadda Nasteexo.

Xassan Fantastic ayaa galabta kasoo laabtay xarunta Idaacadda, waxaana uu caawa uu usoo hoyday guriga uu ka deganaa degmada Wadajir ka hor in aanay kooxo hubaysan ku toogan afaafka hore ee guriga.

Alle ha u naxariistee Xassan Fantastic waxaa soo gaaray dhaawac culus, waxaana loola cararay Isbitaalka Madiina balse waxa uu ku geeriyooday waddada inta aan lala gaarin Isbitaalka Madiina.

Ragga ka dambeeyey dilka Agaasimaha ayaa la sheegay in ay ahaayeen labo nin oo ku hubaysan Bastoolado, waxayna ugu yaraan afar xabo kaga dhugfteen madaxa taasina waxay keentay in uu isla markiiba geeriyoodo.

Idaacadda Shabeelle oo uu katirsanaa Xassan Fantastic waxay joojisay jedwalkii shaqada ee looga bartay, waxaana ka socda Qur’aan iyo tacsi loo diraayo Agaasimaha caawa Muqdisho lagu dilay.

Lama oga cidda dishay Agaasimaha ama loo aanayn karo dilkiisa, hase yeeshee waxaa soo baxaaya tuhuno kala duwan oo laga qabo dhinacyo kala duwan.

Idaacadda Shabeelle waxay kamid tahay Idaacadaha madaxa banaan ee ka hawlgala magaalada Muqdisho, dhinacyada kala duwan ee siyaasadda sida Dawladda KMG Soomaaliya, AMISOM iyo Al-Shabab ayaa iyagu aaminsan in Idaacadda Shabelle ay tahay mid liddi ku ah hawlahooda taasina waa tan keentay in xitaa la waayo cid si gaar ah loogu tuhmo dilka Xassan Cismaan Cabdi Fantastic.

18-kii bishii December ee aan kasoo gudubnay ayey ahayd markii Isgoyska degmooyinka Xamarjajab iyo Xamarweyne lagu dilay Alle ha u naxariistee C/salaan Sheekh Xassan Xiis oo ka hawlgali jiray Telefishinka Horn Cable.

Innaa lillaah wa innaa ilayhi  Raajicuun

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: