Xisbiga DPS:- Mustaqbalka Soomaaliya UN, iyo Beesha Caalamka midna uma baahna.

Halkaan ka akhri

HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA GUDOOMIYAHA XISBIGA DPS GEN. MASLAX MAXAMED SIYAAD

[blip.tv http://blip.tv/play/h5NogujSTgA width=”540″ height=”400″]

Walaaleyaal, DPS waa xisbi siyaasi ah, ayna abuureen dad Soomaaliyeed oo isugu jira wax garad iyo aqoon yahanno, kuwaasoo aan ku imaan habayaraatee qaab qabiil, ama fikir shisheeye, balse ay isu keentay oo qudha u damqasho dadkooda iyo dalkooda iyo inay ka gudbiyaan marxaladda adag ee ay ku sugan yihiin.

DPS waa xisbi Dimoqraadi ah rumaysanna: In diinta Islaamka si quman loogu dhaqmo, mana jiro xaqsoor kan ALLE ka wanaagsan, mana jirto dimoqraadiyad aan tan ALLE ahayn.

Soomaaliya waxay kusugantahay marxaladdii ugu xumayd qarniyadan, waxaa waddankeenna loo sooweeraray qaabab kala duwan geystayna xasuuq, dil iyo baabi’in dad iyo dalba, taasina waa marxaladda dhabtaa ee ay manta kusugan yihiin carruurteenna, dumarkeenna, waayeelkeenna, iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeedba, taasina ma’ahan mid waxgaradka Soomaaliyeed oggolaankaro.

Walaalahayga Soomaaliyeedow, aannu abbaaro mustaqbalka,balse aan jara jaleecno marxaladda aan maanta ku suganahay: waxaanu soo aragnay baaba iyo burbur, waanu soo aragnay qabiil, isdil, isnacayb; waxaanu soo aragnay xabaalo badan ooy sameeyeen beesha caalamku, balse xabaalaha ugu badan aanu dhexdeena iska dillay. Intaas kadib naxariista ALLE lagama quustee DPS waxay araagtaa rajo, ma ahan rajo keliyee waxay aragtaa nolol, farxad, iyo cabsi la’aan. Annagoo eegayna taariikhdayadii waagsanayd, Dhaqankayagii wacnaa, iyo gumaysi diidkii aabayaashayo & awoowe yaashayo ayna ahaayeen kuwo marwalba utaagan difaca dadkooda iyo dalkooda iyo weliba xallinta khilaafka ama mushkiladaha iyaga ka dhexdhaca; annagoo taas ka duulayna ayaan aragnaa in la xaliyi karo khilaafka dhexdeena yaal, cadawga hororkaa ee nakala qoqobayana aanu isku meel uga soo jeesan karno, dalkeenana aanu dib u dhisi karno, magaceennii iyo sharfteeniina sidaa ku soo ceshano.

Haddaba, DPS waxay aaminsan tahay ujeedka siyaasadeed oo qaabsaxan loo dejiyo loona hirgeliyo, una horseeda dalka iyo dadkaba deggenaan, masuuliyad, miyirqab, loogana gudbo qabiilaysiga, nafjeclaysiga iyo awood jacaylka, saa awgeed waxaan taageeraynaa in waqtiga xukuumadani & baarlamaankuba ku ekaadaan Aug.2012. Marimayso maanta: waa laga yaabaa in isbedel la helo ee waxay maraysaa waa khasab in isbedeel la helo, si loo badbaadiyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed

Waxaa jira barnaamij dhan oo DPS ugu hadlayso sida ugu sahlan ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed uga bixi karaan, dagaalka, colaadda, burburka baaba’a una talaabi lahaayeen nabad, isjacayl, dibudhis iyo horumar docwalba ah. Kaasoo aan kulamadeenna dambe si buuxda ugu soo bandhigi doonno.

Walaaleyaal, dawladi waxay awoodeeda ka heshaa dadka waxay ugu shaqaysaana waa dadka, dawladi waxay xaqnoqotaa markii dadku xalaaleeyo, dawlad ay xalaaleyeen UN iyo Beesha caalamku oon haysan kalsoonida shacabku ma ahan Xalaal. DPS marnaba ma rumaysna dawlad aan shacabku soo xulan, ee ku timid rabitaan shisheeye inay hoggaanka qabato. DPS waxay aaminsan tahay Somaliya Soomaali baa leh!!! Mustaqbalka Somaliyed UN, iyo Beesha caalamka midna shaqo kuma laha ee waa mid Somli gaar u leedahay.DPS wuxuu diyaar u yahay u adeegga mujtamaca Somaliyed, gaarsiinta horumar iyo nabad buuxda.

DPS waxay ku baaqaysaa xornimo, caddaalad, horumar, dastur cusub,iyo xukun dadka u adeega.

Walaaleyaal waxaa lajoogaa waqtigayagii, waa mustaqbalkaagii, DPS waxaa loo abuuray joojinta dhiiga iyo samatabixinta qaranka, ilaalinta diinta, xornimada, Dimoqraadiyada iyo sharafta shacbiga Somaliyed.

DPS waxay si xushmad leh usoo dhawaynaysaa fikirkiina iyo taageeradiinaba.

F.G. Waxaan Salaan diiran idiinka sidaa caawa Gug, xis DPS    Eng. Maslax Maxamed

Wabilaahi towfiiq.

Soomaaliya Soomaali baa leh

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: