Advertisements

War-Saxaafadeed: Wasiiru-dowlayaal iyo ku-xigeeno Xukuumada KMG ah oo Maanta isku shaandheyn lagu sameeyay.

HOOS KA FIIRI ISKU SHAANDHEYNTA

Halkaan ka akhri

War saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska Ra’isal wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya, isla markaasna uu ansixiyey Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa lagu soo bandhigay isku shaandheyn lagu sameeyey Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir ku xigeennada xukuumadda KMG Soomaaliya.

Laga billaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo degreetaden waxaa loo magacaabay wasiiro dowlayaal iyo wasiiro ku xigeeno xukuumadda KMG Soomaaliya, waxaana wasiirada hoos ku qoran loo magacaabay wasiir walba wasaaradda ku hoos qoran magaciisa.

  1. Mudane C/kariim Cabdi Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xafiiska Madaxweynaha.
  2. Mudane Cali Nuur Ducaale, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul wasaaraha.
  3. Mudane Cabdi Cali Xuseen waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.
  4. Mudane Ibraahiim Suleeymaan Xaaji Nuur, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga.
  5. Mudane Axmed Xasan Aadan, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda kalluumeysiga qeyraadka Badda iyo Bay’adda.
  6. Mudane Axmed C/llaahi Xuseen {Fanax] waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.
  7. Mudane Max’ed Cumar Max’ud, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka.
  8. Mudane Xirsi Aadan Rooble waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda beeraha iyo xanaadada Xoolaha.
  9. Mudane C/qaadir Maxamed Barre, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sarre.
  10. Mudane Axmed Maxamuud Axmed, {Yaaqshiid}, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xiriirka Baarlamanka iyo xukuumadda.
  11. Marwo Luul Cabdi Aadan, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska.
  12. Mudane C/llaahi Sheekh Cali [Qaloocoow] waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda shaqada Dhalinyarada iyo isboortiga.
  13. Mudane Xasan Maxamuud Jimcaale, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha  wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta.
  14. Mudane Macalin Cali Aadan Cabdi waxaa loo magacaalay wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta Biyaha iyo Tamarta.
  15. Mudane C/kariim Xaaji Cabdi [Buux] waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta.
  16. Mudane C/nuur Sheekh Ibraahin Rooble waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada.
  17. Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.
  18. Marwo Muna Ibraahim Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska.

————————————————————

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: