Shirka Soomaalida ee lagu qabanayo London oo la shaaciyay Ergooyinka ka qeyb galaya & weliba waxa looga hadlayo.

HOOS KA AKHRI SOMALI AND ENGLISH

Halkaan ka akhri

Shirka Soomaalida loogu qabanayo wadanka Ingiriiska ayaa la sheegay in lagu casuumay maamulada Somaliland, Puntland, Galmudug, Ahlu-Sunna iyo dowladda KMG ah, iyadoo la sheegay in shirkaas uusan ahayn mid dib u heshiisiineed, balse uu yahay mid looga hadlayo xaaladda ammaan ee dalka.

Ergayga Britain ee Soomaaliya, Matt Baugh ayaa sheegay in maamuladan ay ku casuumeen shirka, wuxuuse sheegay inuusan xaqiijin karin in Somaliland ay imaan doonto shirka iyo in kale, isagoo ugu baaqay dhammaan maamulada in ay kasoo qaybgalaan.

“Shirkan waa mid looga hadlayo sidii nabad loogu heli lahaa Soomaaliya, kaddib sannado badan oo colaado ah,” ayuu yiri Mr Baugh oo BBC-da u warramayay isagoo intaasi ku daray in shirkan lagu casuumay dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale, shirkan lagu casuumay sida uu ergaygu sheegay dhammaan saxiixayaashii Raodmap-ka, waxaana dowladda KMG ah uga qaybgalaya madaxda sare sida Madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamankaa iyo ra’isal wasaaraha.

“Qorshaha shirkan waa in caalamka la tuso dhibaatada ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca ammaanka iyo sidii xal loogu heli lahaa burcadbadeedda,” ayuu yiri Mr Baugh.

Maamullada lagu casuumay shirkan ayaan ka hadlin, iyadoo Somaliland ay horay u sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya, balse caalamka kama aysan helin aqoonsi ku aaddan gooni-isku-taaggeeda.

Ergayga Britain ee Soomaaliya ayaa booqday dhawaan Muqdisho iyo Hargeysa, halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay madaxda dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa maamulka Somaliland.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: