Sheikh Shariif iyo R/wasaare C/wali oo Maanta u kala socdaalay Waddamada Ethiopia & Talyaaniga.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Wufuud ay kala hoggaaminayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo R/wasaaraha ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii kala jeeda wadamada Ethiopia iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Shariif Sheikh iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa u Socdaalay magaalada Adis’ababa halkaas oo uu kaga qeybgeli doono shirka Midowga Afrika iyo kan IGAD oo maalinta burrito ah halkaasi ka dhicidoona.

Madaxweynaha Jdowladda KMG Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamadaasi ka jeediyo khudbad ku saabsan xaaladda dalka iyo sidii ciidamada Amisom loo gaarsiin lahaa gobollada kale ee dalka mar hadii Muqdisho laga saaray malleeshiyaadkii Shabaab.

R/wasaaraha Xukuumada KMG ah Dr. C/weli ‘Gaas’ iyo wadfi uu hoggaaminayo ayaa iyaguna maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyagoo ku sii jeeda dalka Talyaaniga oo uu R/wasaaruuhu ka helay martiqaad rasmi ah.

Sidoo Kale R/wasaaraha ayaa sheegay in muddada uuu joogo dalkaasi uu la kulmi dooono dhiggiisa dalkaasi Talyaaniga isagoo sida uu sheegay kala hadli doona xaaladda dalka iyo horumarrada ay dowladdu sameeysay, sidoo kale R/wasaare C/weli waxaa uu la kulmi doonaa jaaliadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Si kasta ha ahaatee Safarrada shaqo ee ay madaxda qaranku ku aadeen wadamadaasi ayaa qeyb ka ah dadaalka ay dowladdu muujisay iyo horumarka ay ka sameeysay dhinaca amaanka, taas oo keentay in Muqdisho laga furo xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay.ee UNPOSS.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: