Meydadka Soomaali u tahriibeysay dalka Talyaaniga oo laga helay xeebaha Badda Libiya.

Halkaan ka akhri

Wararka ka immanaya magaala xeebeedka Misrata ee dalka Liibiya oo 200-km dhanka bari kaga beegan caasimada Libya ee Tripoli, ayaa sheegaya in meydadka 17-qof oo Soomaali tahriibayaal ahaa ay soo tuftay Badda, kuwaas oo Meydadkooda halkaas laga helay.

Cabdi Qani Wecyes,  Safiika Soomaaliya u fadhiya Libiya ayaa u sheegay saxaafadda, in talaajadaha Meydka lagu keydiyo ee Magaalada Misrata ay ka heleen, Meydadka 17-qof oo Soomaaliya, kana mid ahaa 56-qof oo tahriibe-yaal Soomaaliyeed ahaa kuwaas oo 14-kii bishan dooni ka raacay xeebaha dalka Libya si ay u tagaan dalka Talyaaniga.

Waceys ayaa sheegay  in 14 ka mid ah dadka meydkooda la helay ay ahaayeen Haween, halka labo ay ahaayeen niman iyo ilmo yar oo saqiira.

Mr. Waceys ayaa sheegay in dadkaas dhintay meedadkooda laga helay Isniintii xeebta Misraata ee dalka Libya waxana loo maleynayaa ayuu sheegay in ay soo caarisay Badda ka dib markii ay la gadoontay doonidii ay la socdeen.

Wuxuu xusay in qaar ka mid ah dadka Meydkooda la helay la aqoonsaday, isagoo intaas ku daray in ay ku aaseen isla qabuuro ku yaalo magaaladaas.

Waceys ayaa sheegay in ay jiraan weli dad kale oo laweysan yahay, kuwaas oo la socday dooni ku qalibantey  badweynta u dhexeysa Talyaaniga iyo Libya.

Si kastaba, dhimashada dadkaan tahriibayaasha Soomaalida ah ayaa lala xiriirinayaa xilligaan oo ah waqti baddu kacsan tahay, iyadoo dabeylo ay jiraan taas oo aan badanaa saamaxeynin in ay si nabad galyo ah ku nabad tagaan tahribaayasha doonaya in ay galaan wadamada Yurub.

Ma ahan markii ugu horreysay oo laga helo xeebaha dalka Talyaaniga iyo Libiya dad ay baddu soo carisay oo tahribayaal ahaa, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in ay galaan wadamada Yurub.

Dalka Libiya ayay hadda ku sugan yihiin Soomaali fara badan kuwaas oo doonaya in ay u tahriibaan dalka Talyaaniga, iyagoo filaya inay heli doonaan nolal ka wanaagsan, tii ay uga soo tageen wadankooda.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: