Magacyada Tahriibayaasha Soomaalida ee Xeebaha Libya lagu la’yahay iyo Meydadka la helay oo isla Maanta duugay.

HOOS KA AKHRI MAGACYADA

Halkaan ka akhri

Tripoli, Khamiis 26 January 2012 – Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Libya iyo Guddi Jaaliyadda Soomaaliyeed ka tirsan ayaa waxa ay ku guuleysteen in ay aasaan 17 qof oo ay badda Libya soo caarisay, iyaga oo meyd ah, kadib markii ay la qalibmatay doontii ay la socdeen dadkaasi.

Wararka safaaradda ayaa tilmaamaya ib Cabdiqani Wacays oo ah siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Libya iyo Guddi jaaliyadda Soomaalid ah ay magaalada Misirata ku aaseen 17-qof oo Soomaali ah,  kuwaasi oo 14-kamid ah ay ahaayeen Dumar 2-da kalena rag, halka qofka kalena uu ahaa gabar yar oo labo bilood jirta.

Doonidaan ka shareecatay xeebaha Libya oo siday 56 qof oo muhaajiriin Soomaali ah ayaa waxaa ay ku wajahneyd dhanka dalka Talyaaniga, hayeeshee doonidii ay saarnaayeen ayaa waxaa la waayay 14-kii bishaan aynu ku jirno, waxaana 17-ka la aasay laga helay xeebaha Libya, kadib markii ay baddu soo caarisay.

C/qani Wacays ayaa sheegay in 39-ka kale ee la la’yahay ay u badantahay in ay dhinteen, isagoo intaa ku daray in ay ku dadaalayaan sidii ay ku ogaan lahaayen nolol iyo geeri  waxa ay ku suganyihiin.

Hadaba Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u suurtagashay in ay hesho qaar ka mid ah magacyada dadkii doonidaasi qalibmatay la socday ee ku degtay xeebaha Libiya xilli ay ku sii jeedeen xeebaha Talyaaniga, waxa ayn kala yihiin sidan.

1. C/Qaadir Maxamed Jimcaale

2. Muxuyadiin Xaaji C/llaahi Fiidoow

3. Mowliid Xuseen Cabdi Qoobdheer

4. Sheikh Xasan Cali Xaanshi

5. Xasan Mowliid Cismaan (jees bile)

6. Maxamed Aadan Hurwaa

7. Aadan C/qaadir Aadan (Aadan baale) dhintay)

8. Xuseen Cali Garaash

9. C/raxmaan Maxamed Nuur (amaan)

10. Liibaan Xasan Ibraahim

11. Maxamed Feysal B/weyn

12. C/maalik Xasan Shiikh Ibraahim

13. Saciid Maxamed Faarax

14. Cali Faarax

15. Dhaqane Maxamed Ciiloow

16. Saleymaan Sabriye Siyaad

17. Cali Maxamuud Cawad

18. C/risaaq Maxamed Nuur (ruush)

19. C/raxmaan Maxamed Macalin Gurey( xaam)

20. Xasan Maxmed Cali gaab

21. C/qaadir Farax  Xiriyo (madaxay)

22. C/fitaax Guuleed Clle

23. Ismaaciil Xuseen Barre

24. Cabdi Muxudiin Guure (Cabdi faroon)

25. Axmed Xasan Dhaqane

26. Naciimo Cabdi Cabdullaahi

27. Malyuun Cumar Axmed

28. Nafiso Cilmi Siyaad

29. Maryan Xuseen Cali (Dhimatay)

30. Aniso Macalin Gureey

Source: SONNA

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: