Magaalada Beledweyne oo xurguf shalay ka dhacay ka dib u kala xirantay Laba Geddi (Bari & Galbeed)

WARBIXIN FAAHFAAHSAN

undefinedHalkaan ka akhri

Xiisad Cakirnaan ah, Welwel iyo cabsi ayaa soo wajahay, shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan, ka dib markii wafdi ka tegay magaalada Muqdisho oo ka socday dowladda KMG ah ay halkaas gaareen, kaas oo tegitaankoodii ay ka dhalatay colaad, kala shaki iyo in Magaalada Beledweyne u kala qaybsanto, Laba Geddi, (Dhinaca Bari iyo dhinaca Galbeed), ka dib markii wadfiga dowladda KMG ah ka socday ay isku dayeen inay halkaas ka sameeyaan maamul Goblku yeesho, kaas oo sida lasheegay qaabka wafdigaasi wax u wadeen aysan la dhicin beelaha gobolka dega oo dhan marka laga reebo, hal beel oo aan dhamays tirnayn.

SomaliSwiss oo arrimaha gobolka aad ugu dhuun dalooshay, isla markaana dhegta taleefoonada ku haysay ilaa shalay ayaa halkaaan idn kugu soo gudbinaysa warbixin dheer oo dhibnac kasta taabanaysa, isla markaana si sharraxan uga hadlaysa, waxyaabaha jira, biloow ilaa dhamaad.

Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa weli aad u cakiran, ka dib markii ay halkaas dhowaan gaareen wafdi ka socday dowladda KMG ah oo isugu jiray xildhibaanno iyo wasiiro Gobolka ka soo jeeda, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa sida ay sheegeen inay halkaas ka sameeyaan hal maamul oo uu Gobolka Hiiraan yeesho oo ay ku midaysan yihiin Beelahada wada dega Gobolka.

Shir ay Wafdigaasi shalay, magaalada Beledweyne Hotel ku yaal kula yaasheen, dad ay sheegeen inay deegaanka metelaan ayaa ku dhamaaday in lagu kala dareero, ka dib markii xubno ka mid ahaa wafdiga dowladda, oo ay horboodayeen, Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Qorsheenta & Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow Wasiirka Macdanta, Biyaha & Batroolka iyo Xildhibaanno kale halkaasi ka sheegeen qorshe loo fahmay mid hore ugu diyaarsanaa oo sida la sheegay ay saluugeen dadkii shirkaasi looga yeeray.

Arrinta oo gaartay, Heer ay isku Gacan qaadaan, Laba ka mid ah wafdigii dowladda KMG ah ka socday, kuwaas oo kala ahaa, Wasiirka Qorsheenta & Iskaashiga Caalamiga,C/llaahi Goodax Barre iyo Xildhibaan Cumar dheere ayaa timid ka dib markii Wasiirada dowladdu ay shirka ku casuumeen, mid ka mid ah maamul Goboleedyada halkaas ka jira oo ahaa Dooxada Shabeelle, iyadoo ay gobolka ka jiraan, saddex maamul oo kale, kuwaas oo kala ah:- Hiiraan & Midland, Hiiraan State iyo GalHiiraan.

Sidoo kale, Maamulladaasi laga tegay ka sokoow ayay wafdiga dowladdu shirkaas uga yeereen oo ay kala tashanayeen, dad la sheegay intooda badan inay ahaayeen kuwa aan beelaha Gobolka metelin oo la sheegay inay xubnaha dowladda KMg ah, asaxaab ahaayeen, isla markaana la qorsheynayay inay magaca beelaha ku hadlaan.

Xaaladda ayaa kululaatay markii, mid ka mid ah dadkii metelayay beelaha ee Wasiiradu u yeereen ay sheegtay inaysan ku qanceyn, wax ka yar in iyaga lasiiyo, jagada ugu sareysa gobolka, taas oo isla markiiba Wasiirka iskaashiga C/llaahi Goodax Barre uu sheegay, in Wafdiga dowladda ay hore ugu qorsheysteen, in mid ka mid ah beelaha Dhinaca Bari ee Beledweyne lasiiyo Gudoomiyaha gobolka, taas oo ku abtirsata maamulka Dooxada Shabelle, beeshaas oo ahayd tii dalbatay Jagada ugu sareysa ee gobolka, isla markaana laba beelood oo kale oo ka soo jeeda dhinaca Galbeed lasiiyo Gudoomiye ku xigeen iyo taliyaha  Booliiska.

Midka mid ah Xubnihii dowladda ka socday ayaa soo jeediyay inay ku talinayaan in hadalkooda laqaato, isagoo sii daba dhigay in xilalkaas 3-da ah loo dhiibo saddex qof oo wafdiga dowladda kala timid magaalada Muqdisho.

Arrintaasi ka dib ayay bilaabatay, qeylo iyo buuq iyo gacan ka hadal kallifay in shirka lagu kala tago, markii ay Hoteelka isaga baxeen 13 beelood oo sheegay in meesha xaq darro laysugu keenay, iyadoo taasina dhalisay in isla markiiba uu kala istaago isu socodkii magaalada Beledweyne oo u kala jarantay Laba Geddi, (Dhinaca Bari oo uu ka soo jeedo maamulka Dooxada Shabeelle iyo dhinaca Galbeed oo uu ka soo jeedo maamulka Hiiraan & Midland).

Hase yeeshee, waxaa inay arrinta xoog ku maquuniyaan isku dayay, ciidamada dooxada Shabeelle, taas oo keentay inay iska horyimaadaan ciidamo kale oo uu lahaa maamulka Hiiraan & Midland oo ku sugnaa dhinaca  Galbeed kuwaas oo u diiday inay webiga uga tilaabaan ciidamada dooxadu dhinaca kale ee magaalada, iyadoo ay iska hor imaadkaasi uu sababay dhimashada, hal qof iyo dhaawac soo gaaray 3 qofood.

Magaalada Beledweyne ayaa shalay gelinkii dambe iyo xalayba u muuqatay, mid kala xiran oo lagu xasuusanayo sidii ay ahayd 1991 oo ay u qaybsanayd, Bari iyo Galbeed.  

Inkastoo ay socdeen dadaallo kala duwan oo lagu qaboojinayo xaaladda oo ay wadaan masuuliyiinta Dowladda KMG ah ka socotay, Maamulka Hiiraan iyo Midland iyo waxgarad kale ayaan hadana la saadaalin karin, meesha ay sal dhigan doonto xaaladdu.

Wasiirla dib u dhiska iyo dib u dejinta Maamul Goboleedka Hiiraan & Midland, Aden hilowle oo SomaliSwiss u warramay, isagoo Beledweyne ku sugan ayaa beelaha Gobolka Hiiraan ugu baaqay, inaan laga dhex abuurin fidno uu ku macneeyay mid laga soo maleegay meelo ka baxsan gobolka, wuxuu maamullada kale ee gobolka ka jira iyo waxgaradka beelaha kala duwan ugu baaqay, in nabadda laga wada shaqeeyo, wixii talada gobolka ku saabsanna dadka walaalaha ah ee wada dega ay iyagu ka wada tashadaan masiirkooda, isla markaana wuxuu usoo jeediyay maamulka Dooxada Jubba inay is xakameeyaan, isagoo ku taliyay, in caqligu taliyo oo laga gudbo, xoog iyo qori afkiis, taas oo uu sheegay in wax badan laga bartay oo aysan waxba ka soo kordheyn.

Sidoo kale, Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta ee Maamulka Hiiraan & Midland Col: C/wahaab Maxamad Shiiloow ayaa isaguna baaq u diray Beelaha gobolka Hiiraan, Madaxda sare ee dowladda KMg ah iyo maamulka dooxada Shabeelle.
Col. Shiiloow ayaa Beelaha Gobolka ugu baaqay inaan dadka walaalaha ah xilligaan lagu abuurin, cabsi, wel wel iyo argagax, isagoo ku taliyay in muhiimadda koowaad lawada siiyo nabad gelyada gobolka.

 Wuxuu xusay in maamlmaha soo socda ay Gobolka gaari doonaan, Madaxweynaha Hiiraan & Midland iyo Wafdi uu hogaaminayo, kuwaas oo gacan weyn ka geysan doona, inaan nabad gelyo xumo iyo kala shaki lagu abuurin beelaha walaalaha ah ee gobolka wada dega, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay maamulka Dooxada inay ku ekaadaan meelaha ay maamulaan oo aysan ku fikrin, inay dagaal iyo xoog ku doonaan deegaano kale, sida meelaha uu ka taliyo, Maamulka Hiiraan & Midland, isagoo ku waaniyay in caqligu taliyo, isagoo beelaha gobolka u cadeeyay inaysan jirin cid maamulkoodu weerar ku yahay, laakiin ay isdaafici doonaan haddii lasoo weeraro.
Wuxuu kula taliyay maamullada gobolka iyo waxgaradka beelahaba, in lays dejiyo  oo ciddii wax doonaysa iyo ciddii diidaysaba, loo maro wadada wada hadalka, isagoo xusay inay waayo aragnimo ugu filan tahay wixii hore lasoo maray.

Col. Shiiloow, ayaa madaxda sare ee dowladda KMG ah, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha u diray farriin gaar ah, isagoo dalbaday, inay si toos ah arrinta gobolka usoo fara geliyaan, isla markaana dib u celiyaan wafdiga haatan gobolka ku sugan oo uu sheegay inay faraha kula jiraan, howshii loo soo wakiishay mid aan ahayn, sida iska horkeenka dadka deegaanka iyo colaad laga dhex abuuro beelaha walaalaha ee wada dega gobolka oo uu xusay inaysan dooneyn colaad dambe.

Dhinaca, SomaliSwiss oo xiriir la samaysay madaxda hogaaminaysa, wafdiga dowladda KMG ah iyo maamulka dooxada Shabeelle, si ay wax uga waydiiso, waxa aragtidoodu tahay ayay labaduba ka gaabsadeen, inay war saxaafadda siiyaan, iyagoo sheegay inay shir jaraai’id qaban doonaan saacadaha soo socda.
SomaliSwiss Beledweyne
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: