Hanti fara badan oo ku gubatay Suuqii Demada Xamarweyne oo uu xalay dab weyn qabsaday.

Halkaan ka akhri

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dab qasaaro gaystay oo xalay ka kacay Suuqa degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Xalay ayaa markii uu dabka ka kacay Suuqa degmada Xamar-weyne waxaa jiray dad isugu jiray ganacsato iyo kuwa kale oo deegaanka ah islamarkaana gurmed u fidinayay Suuqaasi oo ay ku basbeeleen dhowr dukaan  oo ku yaala halkaasi.

Ciidamada dowladda KMG ah ayaa ammaanka si wayn u adkeeyay, waxaana laga cabsi qabay in dad aan aheyn ganacsatada ay qaataan hantida kale ee taala Suuqaasi, waxaana la sheegay in rasaas ay dhinacyada u fureen Ciidamada ammaanka ee degmadaasi uu ku dhaawacmay mid ka mid ah dad weynihii isugu soo baxay Suuqaasi.

Dukaaman gaaraya ilaa 100 ayaa la sheegay in Suuqa ay ku gubteen, waxaana xilli dambe halkaasi gaaray Ciidamada AMISOM oo wata gawaarida nuuca dab-damiska iyo kuwa kale ee dowladda KMG ah kuwaasi oo markii dambe ku guulaystay inay damiyaan.

Ilaa iyo Hadda, lama cadeyn karo hantida halkaasi ku basbeeshay inkastoo xaaladdu ay noqotay mid cakiran, waxaana la sheegay in saakay la wado tiro koob lagu sameynayo qasaaraha ka dhashay dabkaasi ee xalay suuqa gaaray.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: