Madaxweyne Sheikh Shariif oo maanta la kulmay Ergooyinka Afrika & UN-ta u qaabilsan Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowkadda  KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Raiisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cali ayaa maanta si wadajir ah xarunta madaxtooyada ee villa Sooomaaliya ugu qaabilay wakiilka ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahaana madaxweynihi hore ee dalka Gaana Mr Jerry Rowling iyo ergayga gaarka ah ee Q/midoobay ee arrimaha Soomaaliya Ambassador Ogastin Mahiiga.

Hase ahaatee waxaa la sheegay in Kulanka oo waqti badan qaatay ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuuna uga mahadceliyay Ergayga ururka Midowga Africa uga wakilka ah Soomaaliya booqashadiisa iyo dadaalka ay ugu jiraan xal u raadinta arrimaha dalka Soomaaliya.

Wakiilka ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan arrimaha Soomaaliya Jerry Rowlinges ayaa ka hadlay booqashadiisa iyo kulanka uu la qaatay Madaxda Qaranka, isagoo dowladda uga mahadceliyay dadaalka dheeraadka ah ee ay muujisay iyo sidii ay Muqdisho uga xoreeyeen kooxdda Al-Shabaab wuxuunna hoosta ka xariiqay in amniga magaaladda Muqdisho la islku haleyn karo xiligaan, waxaana Kulankaas u ku soo gaba gabobay jawi wanaagsan iyo is afgarad.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: