Kumaandooskii Mareykanka ee dilay Osama Bin Laden oo xalay Burcad badeed ka furtay shaqaale u afduubnaa

Halkaan ka akhri

Cutub ka tirsan Ciidamadda Kumaandooska Mareykanka ayaa xalay ku degay degaanka Higlaale oo ay ku afduubnaayeen shaqaale u dhashay dalalka Mareykanka iyo Denmark. Kumaandooska Mareykanka ayaa si nabada ku qaatay 32 Jir u dhalatay Mareykanka oo lagu magacaabo Jessica Buchanan iyo 60 jir u dhashay Denish-ka oo kala shaqeeynayay Hay’ada DDG laguna magacaabo Poul Hagen.

Cutub ka mid ah Ciidamadda Mareykanka sida gaarka ah u tabaran ee Kumaandooska Mareykanka, isla markaana ahaa, kuwii dilay Cusaama Binu Laden waxay dileen 9 ka mid ahaa burcad badeed ilaalineysay labada samafale, sidoo kalena waxay nolosha ku qaateen todobo ka mida burcadii heysatay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Gabadha Mareykanka iyo Ninka Danish-ka waxaa 15 October 2011 laga qafaashay Koofurta Magaaladda Galkacyo ee uu ka taliyo maamulka Galmudug State. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa sidoo kale xalay ka degay garoonka Magaaladda Galkacyo iyo Bandiiradley,iyadoo ay hawada Magaalooyinka Galkacyo,Cadaado iyo Hobyo gaaf wareegayaan.

Cabsi fara badan ayaa wajahday kooxaha burcad badeeda,waxaana laga yaabaa inay hoowlgal Melleteri ku soo furtaan Wariye u dhashay Mareykanka oo isagana  laga afduubtay Magaaladda Galkacyo.

SomaliSwiss G/Kacyo
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: