Advertisements

UK: Xisbiga Siyaasiga ah ee DPS oo Xafiskii ugu horeyay ka furtay wadanka Ingiriiska.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA GUDOOMIYAHA XISBIGA DPS GEN. MASLAX MAXAMED SIYAAD

[blip.tv http://blip.tv/play/h5NogujSTgA width=”540″ height=”400″]

Xaflad lagu soo dhoweynayay Xisbiga DPS ayaa lagu qabtay magaalada Melton Keynes ee wadanka Ingiriiska.

Xisbiga DPS ee  uu  hogaamiyaha u yahay Gen. Maslax Maxameed Siyaad Barre ayaa  waxaa uu Xafiiskisii ugu horeeyay ka furtay Qaarada Yurup gaar ahaan wadanka UK.

Xisbigaan DPS oo ah Xisbi siyaasadeed si wayn ugu howlan dib u dhiska dalka Soomaliya iyo wacyi galinta dhalinyardda Soomaliyeed. Xisbiga DPS ayaa waxaa uu ka qayb qaadan doonaa  Doraashada bisha August ee sanadkan ka dhici doonta dalka Soomaaliya ee heerka madaxweynenimo.

Gen. Maslax  Maxamed Siyaad ayaa waxaa lagu Xasuustaa Doraashadi ugu  danbeysay ee ka dhacaday  Wadanka Jabuuti ee lagu soo  doortay Madaxweyna hada  Talada haye  ee Sheikh Sharif Sh. Axmed  in uu ka soo hoyay Guul balse  u nasiibku ka hiiliyay,  ka dib markii  Xildhibaanadi  ka mid ahaa  Garabka  Asmara oo iyugu ahaa 250 Xildhibaan  ay  si toos ah ugu   codeeyeen  Sheikh Shriif oo asagu  marki hore kamid ahaa.

Balse  hada waxaa wax badan iska badalay  qaabki  Xildhibaanada ay isku bahaysanayeen, waxaan gabi ahaanba meesha ka baxay  Isbahaysigii Asmara.

Xubin  ka noqo DPS  kala soco Ola olaha dorashada uu  ugu jiro  DPS  barta Xisbiga ee ah http://www.dpsomalia.org/

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: