Magaalada Muqdisho oo maanta laga furay Xafiiska QM ee siyaasadda Soomaaliya UNPOS iyo qaar ka mid ah Xafiisyada UN-ka.

Halkaan ka akhri

War Saakey  aan ka helnay Wakiilka SomaliSwiss ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xarunta Xalane ee ku taala duleedka degmada Madiina ayaa waxaa ka socota qabanqaabo xaflad xoogan oo loogu jiro sidii xariga looga jari lahaa xafiiska siyaasadda QM u qaabilsan Soomaaliya ee UNPOS lagu magacaabo.

Sidoo kale Diyaar garowga loogu jiro furitaanka xafiiska UNPOS ayaa la sheegay in munaasabadda ay ka qeyb gelayaan madaxda ugu sareysa Dowladda KMG ah, ergooyin ka socda Midowga Afrika, wadamada deeqaha bixiya, marti sharaf fara badan iyo Weriyeyaal.

Wararka ayaa sheegay in Saacadaha soo socda uu soo gaaraya magaalada Muqdisho ergeyga QM ee Soomaaliya Danjire Agostin Mahiga iyo madax ka tirsan Midowga Afrika, si ay uga qeyb qaataan furitaanka xafiiska cusub oo hoos yimaada Ambassador Mahiga, halkaasi oo khudbado kala duwan ay ka jeedinayaan dhammaanba madaxda ka soo qeyb galeysa.

Si kasta ha ahaatee furitaanka UNPOS ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya in ka badan 20-sano oo dalka Soomaaliya uu ku jiray burbur, fowdo iyo kala dambeyn la’aan, iyadoo halka loo doortay in xafiiska uu ku shaqeeyo ee degaanka Xalane loo arkay inay tahay goob ammaan ah oo ay ku wareegsan yihiin dhowr raac oo ka tirsan ciidamada AMISOM.


SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: