Advertisements

Maamulka Gobolka Banaadir oo markii ugu horeysay 20 sano kadib Muqdisho ka hirgaliyay Baabuurta Dab Damiska.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Kadib muddo dheer oo dowlad la’aan iyo dhibaatooyin kala duwan ay soo martay magaalada Muqdisho, ayaa hada la dareemayaa in ay maalin kasta isbadalo horey u socosho ah ku socoto, gaar ahaan intii gudoomiyaha gobolka Banaadir loo magacaabay Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Marka aad dhex marto gudaha magaalada Muqdisho in ay wax weyn iska badaleen dhinacyada Arrimaha Bulshada, sida Caafimaadka Faya-dhowrka Wadooyinka Suuqyada iyo Iftiiminta wadooyinka magaalada, taasoo oo uu gacan weyn ka geystay Mudane Tarsan sida ay wada qirsan yihiin dadka magaalada degan.

Wadooyinka iyo xaafadaha marka aad dhex marto waxaad maqleysaa dadweynaha uu tilmaamaya waxyaaba badan oo ay kamid yihiin, geedkan waa geedka Tarsan, waa tabeelaha Tarsan, wadada tarsan iyo waxyaaba kale oo badan.

Ugu dambeyna Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Tarsan waxaa uu hirgeliyay oo soo iibiyay Baabuurtii u horeysay ee Dab-damiska oo ay Bulshada Muqdisho u siman tahay, kaasoo talaabo wanaagsan u ah in magaalada ay yeelato wax dadka ka wada dhexeeya labaatan sano kadib.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: