Advertisements

Wafdi ka socda dowladda Britain oo tagay Muqdisho

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday dowladda Ingiriiska, kuwaas oo kulamo la qaatay Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya.

Garoonka diyaardaha Muqdisho ayaa waxaa maanta ka soo degay Wafdi ka socda dowladda Ingariiska oo uu hoggaaminayay safiirka dowladdaasi u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mike Boo, waxaana la socda wafdigaasi safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameeriko.

Wafdiga uu hogaaminayo safiirka  dowlada Ingariiska ee Soomaaliya ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda  waxaana xafiiskiisa ku qaabilay R/wasaare Prof. C/weli ‘Gaas’ oo ay ka wada hadleen arino ku saabsan shirka todobaadyo kadib ay qabandoonto dowladda Ingiriiska ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Kulanka kadib ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Ra’isal wasaaraha Xukuumadda Dr. C/weli Gaas iyo wakiilka dowladda Ingariiska u qaabilsan Soomaaliya

RW. C/weli oo ay saxaafaddu wax ka weydiisay hadal baryahaan la’isla dhex marayay oo ku aadan in uu maamul gobaleedka Somaliland u saxiixay lacag dhan Sadex Milyan oo dolarka mareykanka ah oo logu hir galinayo mashruuc biya loogu galinayo maamulkaasi Somaliland ayaa ku jawaabay.

“Dowladdu waxey ahmiyad siineeysaa horumarinta gobollada dalka sidaasi darted maamulka Soomaalilandna waxaa uu ka mid yahay gobollada dalka sidaasi ayaana u saxiixay mashruuca uu wado bangiga horumarinta Africa”ayuu yiri RW. C/weli.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa qaabilay guddoomiyaha baalramanka Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ay ka wada hadleen arimo ku saabsan shirka looga hadlayo arimaha Soomaaliya kaas oo ay qabanqaabineyso dowladda Ingiriiska

Wafdiga ka socda dowlada Ingariiska ee maanta soo gaaray Muqdisho ayaa waxa uu gogol xaar u yahay  shirka ay dowladdaasi ku dhawaaqday oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya kaas oo la filayo in ay ka soo baxaan wax yaabo wax ku ool u ah Qarannimada dalkeenna.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: