Advertisements

Beeraleyda degmada Baardheere oo rajo wanaagsan ka muujiyey Miraha u soo go’aya Sanadkan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Shacabka Beeraleyda ah ee ku dhaqan degmada Baardheere iyo deegaanada hoos yimaada ayaa bilaabay xilligan Howlaha Beergoysmada dalagii ay beerteen, iyagoona dhinaca kale rajo wanaagsan ka muujiyey miraha u soo go’ay sanadkan oo ah mid aad u tiro badan, islamarkaana ay sheegeen in uu wax weyn ka bedeli doono nolosha kumanaan qoys oo ku dhaqan deegaanadaasi.

Kumanaan Qoys oo ka mid ah Beeraleyda deegaanadaasi ayaa labadii sano ee la soo dhaafey noloshaada waxaa saameyn adag oo dhinaca nolosha ah ku yeelatey Abaartii ka taagneyd Geeska Afrika, balse hadda xaaladooda waxaa ay u muuqataa kuwo ka sooo kabanaya dhibaatooyinkii ay soo mareen, waxaana durbaba goobaha lagu iibiyo Raashinka iyo suuqyada magaalada Baardheere laga dareemayaa hoos u dhac balaaran oo ku yimid Qiimaha lagu kala iibsado Masegada, Galeyda iyo noocyada khudaarta kala gedisan, ka dib markii magaalada la soo geliyey raashin aad u faro badan oo ay beeraleydu goosteen, taasina waxaa ay wax ka bedeshay Nolosha kumanaan Qoys oo danyar ah.

Nabadoon Cali Xusen Aden (Cali Gaab) oo ka mid ah Beeraleyda degmada Baardheere oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay in Beeraleyda deegaanka ay soo martay sanadihii la soo dhaafay dhibaatooyin adag oo dhinaca nolosha ah, islamarkaana sanadkan ay ka faa’ideysteen Roobabkii xilliga Deyrta ahaa ee ka da’ay deegaanka, islamarkaana ay goosteen dalagii ay beerteen oo uu tilmaamay in uu ku filan yahay dad kabadan Toban kun qoys oo sanadkan xooga saarey Tacabka Beeraha roobka ku baxa.

Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray Nabadoon Cali Gaab baahida xilligan ay qabaan beeraleyda in ay ugu weyn tahay dhinaca Bakaarada ama Godadka lagu keydsado Badarka oo gebi ahaanba meesha ka baxay, waro biyoodyada iyo Qalabka beeraha lagu fasho iyo kuwa kale ee lagu goosto oo uu sheegay in Beeraleydu xilligani ayan awoodin, islamarkaana ay baahi u qabaan in laga caawiyo adeegyadaasi kale gedisan.

Waxaa uu sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey Hay’adihii iyo Ururadii Samafalka ee Beeraleyda u fidiyey kaalmooyinka dhinaca Abuurka, Sida Hay’adaha FAO, HARDA iyo SADO.

Si kasta ha ahaatee waa markii ugu horeysay mudo ka badan 4 sano oo ay Beeraleyda deegaanka Baardheere muujiyaan Rajo noocan oo kale ah, taas oo wax weyn ka tari doonta nolosha kumanaan Qoys oo u badan Beeralayda wax tacbata xiliyada roobabka, kuwaas oo iyagu sanadihii u dambeeyay la daala dhacayey Roob yaraan iyo Abaaro soo noq noqday.

SomaliSwiss Baardheere

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: