Taliska ciidammada Xoogga Soomaaliya iyo AMISOM oo hambalyo ka heleen Baarlamaannada Afrika.

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay shirka Baarlamaannada Wadamada Afrika oo maalintii Saddexaad ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, Madaxda barlamaanada Afrika ayaa waxay hambalyo u direen ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM guulihii ay ka gaareen howlgallada ay Muqdisho ugu saareen kooxda Al-Shabaab, iyagoo sheegay in sanadkaan ay xoogga saari doonaan dhismaha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya.

Shirkan waxaa barlamaanka KMG Soomaaliya uga qeyb galey dhowr Xildhibaan waxaana ka mid ah Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur wuxuuna Warbaahinta u sheegay in shirka furitaankiisa si aad ah loogu hambalyeeyay ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya iyo ciidammada AMISOM kadib markii ay si buuxda uga xoreeyeen magaalada Muqdisho kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay ku sii wajahan yihiin gobollo hor leh.

Sida lagu soo warramayoo in masuuliyiinta shirka ka hadashay ay dhammaantood caddeeyeen in loo baahan yahay in la xoojinta amniga Soomaaliya iyo qalabeynta ciidammada dowladda Soomaalilya, warku wuxuu intaa ku darayaa in halkaas laga  soo jeediyey in sanadkaan xoogga la saaro dhismaha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ugu danbeyntii madaxda shirkaas ka soo qayb gashay ay  dhammaantood soo dhaweeyeen howlgallada sida xooggan uga socda dhammaan gobollada Soomaaliya ee lagu soo celinayo ammaanka, isla markaana hadda ay meel wanaagsan marayaan.

SomaliSwiss Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: