Madaxda Sare ee Al-shabaab oo ka argagaxay Habkii Mareykanku u dilay hagaamiye ka tirsanaa AlQaeda.

Halkaan ka akhri

Saraakiisha sare ee Al-Shabaab ayaa qalqal iyo argagax cabsiyeed ka qaaday habkii Diyaarada aan duuliyaha laheyn Drone-ka u khaarijisay Bilaal Al-Burjaawi oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha Alqaeda ee gudaha Somalia ka dagaalamayay ilaa sanadkii 2005.

Bilaal Al-Barjaawi oo u dhashay Lubnan balse heystay dhalashada Ingiriiska waxay Diyaarada gantaal ku dhifatay xilli uu marayay agagaarka KM 13 ee degaanka Afgooye hase yeeshee hoowlgalka lagu khaarijiyay ayaa dad arkayay waxay ku sheegeen hab cusub oo u muuqaal ekaa, habka filimada Ajantiga ah loo jilo oo kale.

Bilaal Al-Barjaawi oo ahaa 28 Jir wuxuu ku magacaawnaa Taliyaha amniyaadka Xoogaga ajnabiyiinta loo yaqaan ALMUHAAJIRIIN.
Gantaalka Diyaarada Drone ku dishay ma ahayn mid waxyeelay dad iyo duunyo kale balse gaarigiisa ayuu Gantaalka dhulka la jaray.

Afhayeenka Al-Shabaab oo cabsi badan ka muuqatay hadalkiisa ayaa Saxaafadda u xaqiijiyay in la dilay hogaamiyaha Bilaal Al-burjaawi.

Cabsida Saraakiisha Al-Shabaab iyo ajnabiyiinta la jooga ee Almuhaajiriin waxay tahay in Diyaaradaha Drone-ka u khaarijin karaan sida Bilaal Al-Burjaawi.

Inkastoo diyaaradaha Mareykanka hore u dileen hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab sida Aadan Ceyroow iyo Saalax Nabhan hadana Al-Shabaab kama hadal hogaamiyahii Alqaeda ee Geeska Afrika Fazul Abdalla Mohamed oo Ciidamadda Dowladda KMG ku dileen Ex Kontorool Afgooye 8 June 2011 xilli uu ambad ahaa.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: