Halkaan ka akhri
Maanta oo ay ku beegan tahay 21-ka Janaayo waa maalinta Saxaafadda Soomaaliya, waxaana Gobollado badan oo ka tirasan Soomaaliya laga dhigay mubaasabaddo lagu maamuusayo xuska maalintaas.
21-ka Janaayo oo ah maalinta Saxaafadda Soomaaliya waxaa maalin si gaar ah u taabaneysa dhammaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee u dhabar adeegay xaaladdaha kala duwan ee uu dalka soo baray iyo kuwa uu haatan wajahayo.
waxaa marag ma doonta ah in Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay la kulmeen Tacdiydo ka dhan ah bini’aadannimada hasa ahaatee wax ay dhabarka u xirteen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Samata bixinta ummada Soomaaliyeed oo sanadihii danbe ku jiray dhibaatooyin dhinacyo badan.
Suxufiyiinta oo adeegsanaya qalabka warbaahineed ee dalka ka jirta ayaa gudbiyay fariinta ummada Soomaaliyeed ee ku aadan wax u qabashada dadkooda, tusaale ahaan haddii aan la heli lahayn warbaahinta Soomaaliyeed oo gudbisa fariinta shacabka  waxaa adkaan lahayd in ay helaan gurmad bini’aadannimo.
Si kasta ha ahaatee sanadkii tagay waxay Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay la kulmeen qal qal iyo Tacdiyaddo ku aadan howshooda, waxaana ugu murug badnayd dilkii loo geystay 18-kii bishii December ee sandkii tagay Allaha u naxariistee Marxuum C/salaan Sheekh Xasan Xiis oo ka mid ahaa Wariyayaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka howlgallada maagalada Muqdisho.
Ugu danbeyntii iyadoo ay arrimahaasi oo dhan la soo kulmeen Saxafiyiinta Soomaaliyeed, haddana 21-ka Janaayo waa maalinta kaliya ee ay sandkiiba ku leeyihiin, sidaas darted haddii aan nahay bahda warbaahinta Switzerland, waxaan Hamablyo ay farxad ku dheehan tahay u diraynaa dhammaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, inay ku noolaadaan bashbash iyo Barwaaqo.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.