Advertisements

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada Muqdisho iyo goobihii looga qabsaday kooxda Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Warar dheeraad ah oo kasoo baxay dagaaladii xooganaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, udhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya, Amisom oo isku dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab, iyadoo qasaarihii ka dhashay dagaalkii maanta uu sii badanayo.

Dagaalkii maanta ayaa sababay dhimashada ilaa 15-ruux, halka uu dhaawacana intaasi kabadan yahay, waxaana dagaalki maanta guulo ka sheegtay dowlada KMG Soomaaliya iyo Amisom.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegeen deegaanno ay kamid yihiin Jaamacadda Muqdisho iyo qubuurihii Barakaat oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ayna ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab.

Abaanduulaha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dhulkii ugu dambeeyay oo ay kooxda Al-Shabaab kaga sugnayd Muqdisho ay la wareegeen, hadafkooduna uu ahaa inay tagaan halka ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

“Dagaalku wuu soconayaa waxaana joognaa qubuurihii Barakaat iyo jaamacadda Muqdisho, kamana hadlayo waxa dhiman oo ay ka mid yihiin inaan dagaalku soconayo in kale,” ayuu yiri Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo shir jaraa’id ku qabtay goobaha ay dowladda iyo AMISOM la wareegeen.

Afhayeenka AMISOM, Col. Paddy Ankunda oo isaguna ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay kaga dhaawacmeen laba askari oo ciidamadooda ka tirsan, balse ma uusan sheegin khasaaraha ay u geysteen xoogaggii Al-Shabaab.

“Waxaan dagaalkii saakay ku qabsannay deegaanno ay ka mid yihiin qabuurihii Bakaraat iyo Jaamacadda Muqdisho,” ayuu Col. Ankunda ku sheegay shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay. Isagoo sheegay inay Muqdisho oo dhan gacanta ku hayaan.

Dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalka ayaa waxay u badnaayeen dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay, iyadoo guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxyadiin Xasan Jurrus uu sheegay in saddex askari ay kaga dhinteen ciidamada dowladda dagaalkii saakay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa xaqiijisay in ay dagaallo saakay kula gashay Muqdisho ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, balse ma aysan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: