Codsiga araajida qaxootinnimada dalkan Switzerland oo si aad ah u kordhay Sanadkii tegay 2011ka.

Halkaan ka akhri

 Sanadkii tegey 2011ka ayaa la sheegay in codsiga dadka qaxooti doonka ah uu si aad ah u kordhay marka loo eego qaxootigii soo galay Sanadkii 2010ka, waxaa la sheegay in kororkaas uu ahaa boqokiiba 45%, tirada guud ee soo geshay ayaa lagu sheegay inay dhan tahay 22’551qof, sidaas waxaa lagu sheegay warbixin uu soo saaray Xafiiska Waaxda Socdaalka ee Federaalka Switzerland.

Dadka soo-gelootiga ee uga badan ayaa waxay ka kala yimaadeen Wadanka Eritrea oo is-dhiibtay 3’356 qof, Wadanka Tunisia 2’574 qof  iyo Nigeria  oo qaxooti ahaan isu-dhiibay dad gaaraya 1’895qof.

Sida Warbixinta lagu sheegay qulqulka dadka soo-gelootiga ah ee yimaaday dalkan switzerland ayaa loo sababeeynaya rabshadaha ka socda wadamada Woqooyiga Afrika, dadkan qaxootiga doonka ah ayaa waxay badinkooda soo gelay bishii Maarso 2011ka.

SomaliSwiss     Swissinfo Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: