Qarax miino oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo ciidamada Ethiopia lagula beegsaday Baladweyne.

Halkaan ka akhri

Ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaa waxaa lala beegsaday qarax miino oo kuwa meelaha fog laga hago ah.

Qaraxaasi ayaa lasheegay in uu khasaara xoogan kasoo gaaray ciidamada Ethiopia ee halkaasi marayay, iyadoo askartii ku dhimatay iyo kuwii ku dhaawacmay ay qaateen ciidamada Ethiopia.

Qaraxa miinada ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Howl-wadaag ee dhinac galbeedka magaalada Baladweyne, gaar ahaan Ceelka Faarax Geeddi.

Ciidamada Ethiopia ayaa qabsaday magaalada Baladweyne iyagoo taageera siinaya ciidamo beeleedyo ka soo jeeda qaar kamid ah beelaha dega gobolka Hiiraan, kuwaasi oo sheegay in ay taageersan yihiin dowladda KMG.

Sarkaal u hadlay ciidanka Dooxada Shabeelle ayaa saxaafada u sheegay in uu jiro qarax lala beegsaday ciidamada Ethiopia, balse waxaa uu sheegay in wax khasaaro ah aysan kasoo gaarin, waa sidda hadalka u dhigaye.

Goob jooge ku sugan magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu inoo sheegay in qaraxa miinada ee lala beegsaday ciidanka Ethiobia uu khasaaro xoogan ka soo gaaray, lana arkayay iyagoo qaadanaya, balse ay adag tahay in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: