Maamul goboleedka cusub ee Khaatumo State oo madaxdiisa maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay.

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

Halkaan ka akhri

Magaalada Taleex oo uu baryahan ka soconayay shirka beesha Dhulbahante ee Khaatumo 2, isla markaana horey loogu dhawaaqay magaca ay yeelaneyso dowlad goboleedka cusub, ayaa maanta sidoo kale waxaa laga dhawaaqay dhameystirka xubnaha maamulaya golayaasha dowladda ee maamulka Khaatumo State Of  Somalia, waxaa ayna kala yihiin.

Golaha Madaxtooyada

Axmed Cilmi Cismaan (Karaash): Madaxweyne

Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel): Madaxweyne ku xigeen

Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe): Madaxweyne ku xigeen

Golahan ayaa xubnaha hogaaminaya midkiiba waxa uu xilka haynayaa 6 bilood, iyadoona muddada ugu horeysa uu hoggaamin doono Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)

Golaha Wasiirada

1-Xuseen Saleebaan Xaaji Axmed (Dabay)-  Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Caalimiga iyo Jaaliyadaha

2.-Maxamed Ducaale Cabdi- Wasiirka Amniga Qaranka

3- Cismaan Axmed Jeex- Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda

4-Cabdikariim Faarax Dhaaye- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Khayraadka Dabiiciga

5-Maxamuud Diiriye Cabdi Joof- Wasiirka Wasaaraada Adeega Arrimaha Bulshada

6-Yasiin Axmed Sulub- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha

Shirkan ayaa waxaa uu magaalada Taleex ka soconayey tan iyo bilowgii bishaan, iyadoo Jaaliyadaha beesha ee ku nool dibadaha iyo beelo kaleba ay taageero baaxad leh u muujiyeen shirkan iyo go’aanada ka soo baxay.

SomaliSwiss Taleex

SomaliSwiss@hotmail.com

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA MAGACAABISTA IYO DHAARINTA

[blip.tv http://blip.tv/play/h5NoguiBQQA width=”540″ height=”400″]

%d bloggers like this: