Advertisements

Dabley hubaysan oo magaalada Gaalkacyo ku dilay Suldaan Siciid Cismaan Faarax (Siciid Shoobare).

Halkaan ka akhri

Dabley hubaysan ayaa magaalada Gaalkacyo ku dilay Suldaan aad looga yaqaannay magaaladaasi oo lagu magacaabo Suldaan Siciid Cismaan Faarax (Siciid Shoobare). Waxaa sidoo kale goobtaasi ku dhaawacmay labo qof oo iyagu ka agdhowaa goobta uu ka dhacay Shilka.

Sida la sheegay dableyda oo wajiga soo xiratay ayaa dhowr xabadood ku dhufatay Allaha u naxariistee  Suldaan Siciid Cismaan Faarax (Siciid Shoobare) xilli uu ka soo baxay xarunta dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo islamarkiiba goobta ay ka baxsadeen gacan ku dhiiglayaashii falkaa geystay.

Suldaan Siciid Shoobare ayaa kasoo jeeday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud, dilka Suldaankan ayaa loo aanaynayaa Dil sanadkii hore gudaha magaalada Gaalkacyo loogu gaystay mid kamid ahaa dhalinyarada Gaalkacyo, iyadoona uu Suldaanku kujiray dhamaynta Mushkiladii ka dhalatay dilkaas.

Ciidamada Ammaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo howlgallo baaritaan ah oo lagu baadi goobayo ciddii dilkaasi ka dambeysay halkaa ka sameeyay, inkastoo aysan jirin ilaa iyo iminka cid loo soo qabtay dilkaasi Suldaanka.

Warar hoose oo ka soo baxaya magaaladaasi ayaa sheegaya dilka Suldaanka in ay ka dambeysay aano qabiil, inkastoo had iyo jeer la bartilmaameedsado mas’uuliyiinta iyo dadka indheer garadka u ah bulshada Soomaaliyeed, marka ay falalka noocaasi oo kale ah dhacaan.

SomaliSwiss Gaalkacyo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: