U qaabilsanaha QM Arrimaha Bini‘adanimada oo walaac ka mujiyay dadka wali ku dhibaataysan gudaha dalka Soomaaliya….

Halkaan ka akhri

U qaabilsanaha Qaramada Midoobay Arrimaha  bini ‘adanimada  Mark Bowden ayaa waxa uu walaac ka mujiyay dadka  wali ku dhibaataysan gudaha dalka Somalia inay u geeriyoodaan abaarta iyo dagaalada ka  socda dalka Soomaaliya.

Mark Bodwen  ayaa waxa uu tibaaxay  in 10 kun  oo Somalia ay   qarka u saaran yihiin geeri  kuwaasi  oo ay saamaysay  abaarta iyo macaluusha wali baaqiga kusii ah dalka Soomaaliya gaar ahaan dadka ku sugan xerooyinka barakacayasha.

U qeybsamaha bini’aadanimada  QM ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay  inay dhibaatadu sii socon  karto hadaan wax laga qaban ila 6-da bilood  ee soo socota, waxaana uu intaa sii raaciyay in lasii wado gar garka lasiinayo dadka ku dhibaataysan dalka Soomaaliya inta  laga gaarayo bilaha July iyo august oo la filayo in ay roobabku da,aan dadkuna ay tacbadaan dalaga beeraha.

Ugu dambeyntiina Mark Bowden uqeybsamaha ayaa wuuu sheegay in dadka ugu badan ee ay saamaysay dhibaatada ka jirta  dalka Soomaalyia iyo macluushu ay  tahay cel celis ahaan 50/%.caruurta iyo dadka Waayeelada ah.

SomaliSwiss       Washington

SomaliSwiss@htmail.com

%d bloggers like this: