C/raxmaan Faroole oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in Puntland ay ka bilaabatay Shidaal Qodis.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole, Madaxweynaha Puntland  ayaa maanta 16 Jan, 2012 si rasmi ah ugu dhawaaqey in shidaal qodis laga bilaabay deegaanada Puntland kadib markii uu ka qaybgalay xaflad loogu talagalay furitaanka mashruuca shidaal qodista Puntland kana dhacdey dooxada Dharoor ee gobolka Bari

Goobta xafladdaasi ka dhacaysay oo ahayd xarunta shidaal qodista koowaad oo lagu magacaabo Ceelka Shabeel1. ayay ku sugnaayeen Wasiiro ka tirsan xukumadda Puntland, madaxda hayadaha African Oil iyo Range Resources oo barnaamijkan fulinaya iyo dad kale oo lagu marti qaaday,

Madaxda African Oil iyo Range Resources oo heeshiisyo kula jirta Puntland inay hawshan qabato ayaa ka soo jeediyey hadalo kooban madasha munaasabadu ka dhaceysey,waxana ay sheegeen in aysan ku imaan arintan go’aan hal maalin ee loo soo maray dadaalo badan iyagoona uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Farole wada shaqeynta uu muujiyey iyo sida uu u maareyay caqabadihii la soo gudbonaadey mashruucan.

Madaxweynaha Puntland oo halkaas ka hadlay ayaa shegay  in ay u tahay maanta (16 Jan,2012) maalin taariikhi ah, waxaana uu raaciyey in ceelkaas waxa ka soo baxa uusan ku ekaan doonin Puntland balse ay Soomaaliya la wadaagi doonto, haddii la israaco oo dalka Dastuur mideysan yeesho, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka Faroole ayay ka muuqatay, tuhun hore shirkadahaasi isugu xansanayeen oo ahaa, in Puntland aysan Somaliya ka mid ahayn oo ay ka madax banaan tahay.

Shabeel1 oo loogu magac darey Shabeelka (Tiger) ayaa maanta si rasmi ah Faroole ugu dhawaaqay furitaankiisa,waxaana uu tilmaamey in dhowaan Puntland ka baxayso baahida, waa sida uu hadalka u dhigaye.

SomaliSwiss Puntland
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: