Wasiirka Gaashaandhiga Uganda oo ku faanay in ciidamadoodu nabad ka dhigeen mag. Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Dr. Chrispus Kiyonga oo ah Wasiirka Gaashaandhiga Uganda  ayaa sheegay in Hawl adag kadib ay Ciidamadoodu awoodeen inay  Muqdisho ka saarno Al-Shabab, waxaana taasi ay suurtogal ka dhigtay  in magaalada meel nabdoon oo ay madaxda caalamku yimaadaan iyagoon  wax dhibaatro ah la kulmin.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Uganda ayaa sheegay in nabadeynta Soomaaliya gaar ahaan tan Muqdisho ay waqti iyo dhiig badan u hureen taasoo keentay buu yiri in haatan ay Muqdisho noqoto meel nabdoon oo ay hogaamiyaasha caalamku ku diiradaan inay yimaadaan.

Sidoo kale Chrispus Kiyonga  waxaa uu xusay in ciidamada AMISOM ee ka socda wadamada Uganda iyo Burundi ay dadaal dheeraad ah galiyeen sidii ay u nabadeyn lahaayeen magaalada Muqdisho oo ay gacanta dawlada u soo galin lahaayeen taasina ugu dambeyn miro dhal ayay noqotay ayuu yiri wasiirka difaaca Uganda.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Uganda  oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “ Hawl adag kadib waxaanu awoodnay inaan Muqdisho ka saarno Al-Shabab waxaana noo suuro gashay inaan magaalada ka dhigno meel nabdoon oo ay madaxda caalamku yimaadaan iyagoo aan wax dhibaatro ah qabin”.

Mudane Chrispus Kiyonga  wuxuu Qaramada Midoobay u sheegay in looga baahan yahay inay dhexda u xirato taageeradda ciidamada AMISOM oo ay waliba dadaal dheeraad ah galiso si buu yiri ay u suurto gasho in inta dhiman amniga Muqdisho iyo wadankaba la sugo.

Dhanka kale wuxuu wasiirku ku baaqay in ciidamada wadamada Djibouti iyo Kenya ee dhawaan ku biiray hawlgalka AMISOM lagu taageero agab ciidan si ay hawshooda u gutaan dhinaca kalena waxaa uu soo dhaweeyay yaboohi ay magaalada Addis-Ababa ka sameeyeen wasiirkadda difaaca wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ahaa in tirada ciidamada AMISOM la gaarsiiyo 17,700 .

SomaliSwiss          Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: